4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2015
WASIIRKA DIFAACA: Waxaan xoogga saaraynaa dib-u-dhiska Ciidanka dalka


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ansixinta xukuumadda kaddib, saxaafadda la wadaagay dareenkiisa ku aaddan waxa u qorshaysan marka uu xilkiisa la wareego ayaa inuu muhiimadda koowaad siinayo sidii dalku u yeelan lahaa ciidan xoog leh oo hanan kara amniga Somalia oo dhan; isla markaana ay u dhameystiran yihiin adeegyadii uu ku howlgeli lahaa.

Jen. Diini ayaa intaa ku daray in illaa iyo hadda ciidamadda xoogga dalka aysan haysan agabkii loo baahnaa, taasoo ah mid muhiim u ah sugidda ammaanka guud ee Soomaaliya mustaqbalka fog iyo dhamaystirka meelaha ay weli Al-shabaab gacanta ku hayso.

“Dib u dhiska ciidamada xoogga dalka wax weyn ayaa ka qabsoomay, balse weli lama gaarsiin halkii loo baahnaa oo ah in ciiidanka dhinac walba laga dhameystiro, sida qalabka, tirada iyo dhaqaalaha,” ayuu yiri Jen. Diini.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku raday. “Waxaan furi doonaa barnaamijyo lagu dhiirri-gelinayo bulshada qaybaheeda kala duwan; gaar ahaan dhalinyarada aqoonta leh si ay uga mid noqdaan ciidanka Qaranka, taasoo saldhig u ah in la helo ciidamo hufan oo aqoon iyo karti leh.”

Ugu dambeyn, Jen. Diini ayaa sheegay in wasaaradda difaaca ay qaadan doonto qorshe cad oo lagu hagayo dhisidda ciidan Qaran oo isu-dheelitiran iskuna dhafan, lagana soo qoro dhammaan goballada iyo degmooyinka dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya