4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 10, 2015
Madaxweynaha oo ku Wajahan Dhuuso-mareeb iyo Dagaal ka Socda Guriceel


Talaado, Feberaayo 10, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ku wajahan degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud, iyadoo dhanka kalena uu dagaal ka socdo degmada Gucieel oo Galguduud ka tirsan.

Wafdiga madaxweynaha oo ay ku jiraan xubno ka tirsan dowladda Somalia ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay uu degmadaas tagay taliyaha guud ee nabadsugidda iyo sirdoonka Somalia, Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare.

Amniga magaalada Dhuuso-mareeb ayaa aad loo xoojiyay, iyadoo ciidammo cusub oo kuwa nabadsugidda ah oo shalay la geeyay degmadaas ay qayb ka yihiin ciidamada amniga adkeynaya, waxaa kaloo la arkayaa kuwa Itoobiya oo iyaguna adkeynta amniga ka qaybqaadanaya.

Qabanqaabo weyn oo lagu soo dhaweynayo madaxweynaha ayaa degmadaas ka socota, iyadoo la filayo in madaxweynaha iyo wafdigiisu ay goor-dhow tagaan Dhuuso-mareeb.

Dhanka kale, wararka ka imaanaya Guriceel ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya xoogagga Ahulsunna Waljamaaca iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo horay degmadaas ugu dagaalamay.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Gucieel ayaa u sheegay HOL in shacabkii degmada ku sugnaa ay qaarkood ka barakaceen, halka kuwo kalena ay weli ku sugan yihiin gudaha degmada oo lagu dul-dagaalamayo.

Iska-horimaadka ka socda Guriceel ayaa wuxuu yimid kaddib markii xoogag taabacsan Ahlusunna ay saaka weerar ku qaadeen, waxaana weerarkan uu imaanayaa xilli ay horay Ahlusunna u sheegeen inay qorsheynayaan inay dib u qabsadaan Guriceel oo sannadkii hore dhammaadkiisa laga saaray.

Dagaalka ayaa weli socda sida ay dadka degmadu sheegayaan, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda gudaha Guriceel oo ah mid aad u xoog badan sida laga soo xiganayo dadka weli ku sugan gudaha degmadaas.

Wixii warar ah ee kasoo kordha dagaalkan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya