4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2015
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo Maanta mar kale kulan ku yeeshay Gaalkacyo


Khamiis, December 03, 2015 (HOL) — Xaalada magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa caawa degan, kaddib dagaal culus oo dhaxmaray ciidammo kala taabcan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max'ed Xusseen Odawaa ayaa warbaahinta u sheegay in dadaal xogan oo u hormuud ahaa ra'iisal wasaare Sharm'arke lagu guuleystay ugu danbeyntii in la joojiyo dagaallka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in mar kale labada madaxweyne maanta iska arkeen dagaalkii dhacay, iyagoo ka wada -hadlay dhaqan-galinta heshiiskii shalay laga gaaray iyo in lagu qanciyo ciidamada inay xabadda joojiyaan.

Mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in hishiiskii la gaaray wali taagan yahay, hasse ahaatee dagaalkii maanta la oran karo oo kaliya waa mid ku dhacay farsamo xumo.

Wariye ku sugan Gaalkacyo ayaa HOL u sheegay inkastoo mas'uuliyiinta Dowladda FS ay dadaal xoogan ugu jiraan sidii loo dhameyn lahaa colaada ka jirta magaalada, ayaa haddana dhinaca kale waxaa soconaya dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay waddaan labada maamul oo ku xoojinayo ciidammo iyo gaadiid dagaal aagaggii uu maanta dagaalka culusi ka dhacay.

Wariyaha u waramay Hiiraan Online ayaa intaa ku daray in wafdiga dowladda ku sugan magaalada uu ka muuqanayo daal xoogan  iyo niyad-jab ay ka qaadeen dagaalka maanta dhacay oo ku soo beegmay maalintii koowaad ee dhaqan-galinta hishiiska.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in tallaabada ugu horeysay ee la qaadayo tahay in la kala qaado ciidamada labada maamul ee isku hor fadhiya aagagga dagaalka, inkastoo illaa iyo hadda aysan jirin damaad rasmi ah iyo in mar kale uusan dagaalka soo noqon.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya