4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2015
Dowladda Somalia & Beesha Caalamka oo kulan deg-deg ah ka yeeshay arinta dagaal ee Gaalkacyo


Khamiis, December 03, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada Somamlia kulan deg-deg ah kula yeeshay wakiillada Beesha Caalamka u jooga Somalia, isagoo kala hadlay dagaalka ka taagan Gaalkacyo.

Xasan Sheekh ayaa safiirrada uga waramey xaaladda ka taagan Gaalkacyo, isagoo sheegay inuu dhowr jeer maanta khadka telefoonka kula hadlay RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali, madaxweyneyaasha maamullada Puntland iyo Galmudug, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed, dhammaantoodna ay u caddeeyeen inay rajo ka qabaan in deg-deg loo joojiyo dagaalka maanta dib uga qarxay magaaladaas.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa intaa ku daray in colaada ka taagan Gaalkacyo ay dowladda federaalka dadaal weyn u gashay sidii loo xalin lahaa, taasi darteedna, isaga iyo RW Sharma’arke ay uga baaqsadeen shirar caalami ah oo dalka dibeddiisa ay uga qeybgeli lahaayeen.

“Kama daalayno inaan xal-nabadeed u raadino dagaalka magaalada Gaalkacyo, laakiinse waxaan madaxda maamullada kala duwan ee dalka ka jira iyo shacabkaba u jeedinayaa in isla xisaabtan uu jiri doono, mar dambena aysan dhici doonin in shacabka la waxyeeleeyo; iyadoon la isku raacan. Sidoo kalena waxaan Beesha Caalamka ka codsaneynaa inay gacan nagu siiso dadaallada aan wadno ee ku aaddan nabadda iyo inuu sharciga si buuxda u shaqeeyo,’’ ayuu Xasan Sheekh u sheegay wakiilladii ka socday Beesha Caalamka.

Mr. Raisedon Zenenga oo ah ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya, oo hoggaaminayay wakiillada Beesha Caalamka, ayaa soo dhaweeyay dadaalka madaxda dowladda federaalka Somalia ee ku aaddan xal u helista dhibaatada ka jirta Gaalkacyo.

Dhanka kale, Zenenga ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay dowladda Somalia ka taageeri doonto tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo joojinta dhiigga ku qubanaya Gaalkacyo iyo in lala xisaaabtamo kuwa colaaddaasi hurinaya.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay madaxda maamullada Galmudug & Puntland inay deg-deg ugu hogaansamaan heshiiskii nabadeed ee shalay lagu kala saxiixdey xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Ugu dambeyn, kulankan waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo isna ka warbixiyay dadaalka baarlamaanka FS uu u galay xalinta colaadda ka taagan Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya