4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2015
HARGEYSA: Wariyeyaal oo ku Xirnaa Xarunta Dambi-baadhista Hargeysa oo Galabta la Sii-daayay

Khamiis, December 03, 2015 (HOL) — Labadii wariye ee ahaa Mas'uuliyiinta Wargeyska Hubsad oo maalmihii u dambeeyey ku xirnaa xarunta dambi-baadhista Somaliland ay ku leeyihiin Hargeysa, ayaa goor dhaweyd la sii daayay.

Labadan weriye oo kala ahaa Mulkiilaha Wargeyska Hubsad ahna Agaasimaha Bulsho TV Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Tifaftirihii Wargeyskaasi Siciid Khadar Cabdilaahi, ayaa lagu guulaystay in laga sii daayo xabsiga, ka dib dedaal dheer oo ay u galeen Ururka Solja.

Sidoo kale, sii daynta weriyeyaashan ayaanay u kala harin warbaahinta ka jirta Somaliland, waxaana lagu sii daayey damiin, ka dib markii lagu heshiiyey in kiiskan lagu haystaa uu ka socdo maxkamadda oo sharciga lala maro, iyagana lagu sii daayo damiin.

Labada wariye ayaa waxa xarigoodda amartay xeer ilaalinta guud ee Somaliland, kaas oo ku eedeeyey inay soo saareen wargeys aan sharciyad u lahayn, balse labadan masuul ayaa iyagu ku dooday inay sharciyadda wargeyska haystaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland