4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2015
WARARKII ugu dambeeyay ee xaalada Gaalkacyo kaddib Dagaalkii Maanta ka dhacay (SAWIRRO)


Khamiis, December 03, 2015 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in uu iskii isku taagay dagaal culus barqannimadii maanta ka qarxay magaalada, kaddib hishiis maalintii shalay ahayd ay kala saxiixdeen madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka oo ahaa mid si lama filaan ah u qarxay ayaa ka bilaawday aagagga ay isku hor fadhiyaan ciidammada labada maamul, hasse ahaatee waxaa uu markii dambe ku fiday inta badan xaafaddaha magaalada Gaalkacyo, iyadoo leysku adeegsanayay hub culus oo ay ka mid ahaayeen qoryaha lidka diyaaradaha.

Madaafiicda qaar ka mid ah ayaa la sheegay inay ku dhacayeen hoteello ay degannaayeen mas'uuliyiin ka tirsan labada maamul ee iska soo horjeeda iyo wafdiga u jooga magaalada xal u helida mashaqada dagaal ee ka dhax-allosan labada dhinac ee magaalada u kala qeyb-san tahay.

Lama oga dhab ahaan dhinac jabiyay heshiiskii shalay la gaaray, balse mas'uuliyiin ka kala tirsan labada maamul oo warbaahinta la hadlay ayaa dhanac walba kan kale ku eedeeyay in ay rasaasta bilaabeen, mas'uulna ka yihiin dagaalka maanta dib uga qarxay Gaalkacyo.

In ka badan 10 ruux ayaa lagu warramayaa inay ku geeriyoodeen dagaalka, halka tiro 30-qof ka bandanna la sheegay in la dhigay isbitaallada, kuwaasoo qaarkood ay rasaastu ugu tagtay guryahooda.

Wafdiga ka socda dowladda federaalka oo u horkacayo RW Sharm'arke iyo mas'uuliyiinta Koonfur galbeed iyo Jubbaland ayaa lagu waramayaa inay wali ku sugan yihiin magaalada, kuwaasoo hadda u muuqda in ay u maaro-waay een xal u helista xiisadda colaadeed ee ka taagan Gaalkacyo, madaama dagaalkii ugu cuslaa ee magaalada soo mara uu dhacay wax ka yar 24-saacadood kaddib markii hishiis ay marqaati ka ahaayeen lagu saxiixay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

Shacabkii ka barakacay magaalada oo si dhaw ula socday hishiiska la kala saxiixday rajo badanna ka qabay in ay dib guryahooda ugu laabtaan, ayaa hadda siweyn uga niyadjabsan sidda wax u socdaan.

Hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland oo khudbado ka jeediyay munaasabadii shalay lagu saxiixay hehiiska, ayaa dhinac walba waxaa uu ballan-qaaday inay 100% diyaar u yihiin fulinta qodobada leysku afgartay, inkastoo ay is dhaafsadeen erayo xanaf leh oo midba kan kale si maldahan fariin ugu dirray.

Ugu danbeyntii, lama oga sidda  saacadaha soo socda wax isku badali doonaan, madaama wali aysan meesha ka marneyn dadaallada nabadeed oo ay waddaan mas'uuliyiinta ka socta dowladda dhexe, maamul gobolleedyada dalka, iyo beesha caalamka intaba.,

C/raxmaan Diini, Hiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya