4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2015
Suxufiyad ka Tirsanayd Warbaahinta Dowladda oo u Geeriyootay Dhaawac kasoo gaaray Qarax


Khamiis, December 03, 2015 (HOL) — Waxaa goor-dhaw dhaawac ahaan ugu geeriyootay isbitaalka Madiina ee Muqdisho wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo maanta uu dhaawac ka soo gaaray Qarax lagula eegtay agagaarka dhismaha Jaamacadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ay wax ka baranaysay.

Suxufiyaddan ayaa waxaa la sheegay inuu dhaawac culus kasoo gaaray Qarax loogu xiray gaarigeeda, kaasoo la qarxay xilli ay kasoo baxday Jaamacadda Soomaaliya oo ay wax ka baranaysay.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay qaraxa maanta lala beegsaday suxufiyadda Hindiya Xaaji Maxamed oo dhaawaca uu kasoo gaaray, balse goor dambe u geeriyootay, iyadoo ururku uu ku baaqay in si deg-deg ah baaritaanno loogu sameeyo qaraxa lagu dilay suxufiyaddan.

“Waan cambaareyneynaa falkaas guracan ee lagu qarxiyay wariye Hinda Xaaji; waxaana ku baaqaynaa in baaritaan dhaqso ah lagu sameeyo falkaas,” ayuu war-saxaafadeedka ay soo saartay NUSOJ ku yiri, C/raxmaan Xasan Cumar oo ah Kaaliyaha xoghayaha Guud ee ururka NUSOJ.

Ma jirto cid illaa hadda sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxa suxufiyadaan lala eegtay maanta, iyadoo saygeedii oo isaguna ka tirsanaa warbaahinta Qaranka oo lagu magacaabi jiray, Liibaan Cali Nuur isagana lagu dilay Qarax Al-shabaab ay la beegsatay baar lagu magacaabo Village oo ku dhow madaxtooyada bishii September ee sannadkii 2012-kii.

Ugu dambeyn, weerarka lagu dilay suxufiyadan uu kusoo beegmayaa iyadoo 10-kii bishii Abriil ee sanadkan 2015, ay kooxo hubeysan Muqdisho ku dhaawaceen Farxaan Saleebaan Daahir oo ahaa sawir-qaade u shaqeynayay TV-ga Qaranka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya