4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2015
MADAXWEYNE XASAN: Cawaaqibka dhiigga shacabka ee daadanaya waa la dhadhamin doonaa


Khamiis, December 03, 2015 (HOL) — Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa nasiib-darro ku tilmaamay dagaalka dib uga qarxay Gaalkacyo ee gobolka Mudug, isagoo xusay in dagaalka maanta soo cusboonaaday heshiiskii shalay kaddibna ay qaadanayaan labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

“Waa nasiib-darro in la xushmeyn waayo ballan-qaadkii shalay ay madaxda Puntland iyo Galmudug ku galeen Gaalkacyo ee ahaa in dagaalka la joojiyo, nabaddana laga shaqeeyo. Waxaan maamullada iyo Hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug xusuusinayaa inuu dhamaaday xilligii isla-xisaabtan la’aanta, dhiiga shacabka ee daadanayana cawaaqibkeeda la dhadhamin doono,’’ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay horyaallaan hawlo badan oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho, isla markaana dagaal kale oo sokeeye aan la aqbali karin in shacabka lagu mashquuliyo.

Madaxweynuhu wuxuu intaa ku darey in khilaaf kasta oo dhaca uu ku qurux badan yahay in wadahadal lagu xaliyo, Somalia ay ka gudubtay xilligii qoriga wax lagu xalin lahaa.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inay sii wadayso dadaalka xasaradda ka taagan Gaalkacyo xalka loogu raadinayo. Waxaana mar kale farayaa madaxda Puntland iyo Galmudug inay si buuxda ula shaqeeyaan RW xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta kale ee hawlaha dhex-dhexaadinta ku howlan,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia ayaa ugu baaqey hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland, C/kariin Xuseen iyo C/weli Maxamed Cali inay u hoggaansamaan, si buuxdana u fuliyaan heshiiskii shalay lagu kala saxiixday Gaalkacyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya