4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2015
FAAHFAAHIN: Dagaalkii Maanta dib uga soo cusboonaaday Gaalkacyo iyo khasaarihii ka dhashay


Khamiis, December 03, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 10-ruux ayaa ku geeriyooday, tiro 30-qof ku dhowna way ku dhaawacmeen dagaallo cusub oo maanta dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalkaan oo u dhexeeya ciidammo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli shalay ay heshiis Gaalkacyo ku kala saxiixdeen labada madaxweyne ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Puntland, C/weli Gaas.

Sidoo kale, wararka la helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in madaafiic culus ay dhinacyadu ku dhaafsanayaan bartamaha Gaalkacyo, iyadoo hoobiyeyaasha la is-weydaarsanayo ay ku dhaceen qaarkood xaafado ay shacab ku nool yihiin, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka soo gaaray shacabka.

Isbitaallada magaalada Gaalkacyo ayaa la geynayaan dhaawacyada ciidamada dagaalku u dhexeeyo, iyadoo war-saxaafadeed uu maamulka Galmudug maanta soo saaray lagu xusay in dagaalka Gaalkacyo uu ka billowday weerar ay ciidamada Puntland soo qaadeen; balse maamulka Puntland ayaa eedeyntaas iska fogeysay.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa warbaahinta u sheegay inuu dagaalku haatan qaboobay , inkastoo weli dagaallo goos-goos ah ay ka dhacayaan qaybo ka mid ah magaalada, sidoo kalena madaafiicda weli la maqanayo.

Dagaalkan ayaa noqnoaya kii sadexaad oo Gaalkacyo ku dhexmara ciidamada kala taabac-san Puntland iyo Galmudug muddo laba toddobaad gudahood ah ku dhexmara magaalada Gaalkacyo ee xarunta Galmudug.

Waxaa kaloo, wararku ay sheegayaan in wafdigii RW Somalia uu hoggaaminayay oo ay ka mid ahaayeen wasiirro iyo madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ay weli ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Wararka kasoo kordha dagaalka Gaalkacyo Waxaad kula socon doontaan Wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya