4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2015
Orodyahanka Oscar Pistorius oo lagu helay inuu si bareer ah u dilay gabar ay Saaxiibbo ahaayeen


Khamiis, December 03, 2015 (HOL) — Maxkamad racfaan oo magaalada Bloemfontein ee dalka Koonfur Afrika ku taalla ayaa ku badashay dil ula kac ah go'aankii maxkamadii hore ay ku ridday cayaaryahanka lugaha la’a ee Oscar Pistorius ee ahaa inuu gabar ay saaxiibbo ahaayeen si kama ah ku dilay.

Garyaqaan Leach oo ah xaakim sare ayaa dib eegay dacwadda maxkamadeed ee lagu riday orodyahan Oscar Pistorius si xukunka loo xaqiijiyo inuu ahaa mid cadaalad ah iyo in kale. iyadoo xaakimku uu xusay in khaladaad la sameeyay intii ay socotay maxkamaddii hore ee cayaaryahan Oscar Pistorius biiahii lasoo dhaafay.

Orodyahan Oscar Pistorius, ayaa bishii Febraayo ee sannadkii 2013-kii toogasho ku dilay saaxiibtiis, Reeva Steenkamp xilli habeen ah, balse dhawr mar ayuu sheegay orodyahanka in dilka saaxiibtiis uusan ahayn mid uu si ula kac u sameeyay,  balse uu ugu shakiyay tuug guriga ugu soo dhacayay.

Ugu dambey, Oscar Pistorious oo ah ruux lixaadka la’ oo ku caan baxay tartamada orodka, wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay oo labada lugood l’a oo ka qayb-gala cayaaraha oradada caalmiga ah, laakiise haatan waxaa haysta fadeexaddii ka dhalatay dilkii uu saaxiibtiis u geystay, taasoo hoos u dhigtay sumcaddii uu ku dhax lahaa bulshada Koonfur Afrika iyo kuwa calaamka intaba.

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow)
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika