4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2015
Heshiiskii lagu Saxiixay Gaalkacyo oo Fashilmay iyo Dagaal maanta dib uga qarxay Magaaladaas

Khamiis, December 03, 2015 (HOL) — Iyadoo shalay magaalada Gaalkacyo ay heshiis ku kala sixiixdeen madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug, isla markaana ay warbaahinta ka sheegeen inay xal ka gaareen dagaalladii dhacay, shacabkana ugu baaqeen in ay guryahooda ku soo laabtaan, ayaa waxaa goor-dhow ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya maamulladii horay ugu dagaallamay degmadaas.

Dagaalkan oo ah mid xooggan ayay labada dhinac isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, ayadoo dadka qaar ee degan xaafadaha degmada Gaalkacyo ay lasoo darastay xaalad adag.

Goob-jooge ku sugan Gaalkacyo oo HOL qadka teleefonka ugu waramay ayaa sheegay in uu dagaalku yahay mid aad u xooggan oo ay dhiancyadu isku adeegsanayaan madaafiic iyo hub kala duwan.

"Dagaal aad u culus ayaa socda, madaafiicdu waxay ku hoobanayaan xaafadaha degmada, dagaalkuna waa uu socdaa, xaaladduna way kacsantahay," sidaa waxaa yiri Maxamed Cali Siyaad oo ka mid ah wariyeyaasha ka hawl-gala Gaalkacyo oo aan qadka teleefonka kula xiriirnay.

Arrintan ayaa dhabar-jab ku noqoneysa dadaaladii nabadeed ee ay hormuudka ka ahaayeen madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

RW Somalia, madaxweynayaasha maamul-goboleedyadii nabadeynta u tagay Gaalkacyo iyo mas'uuliyiintii kale ayaa weli ku sugan magaalada Gaalkacyo oo uu iminka ka socdo dagaalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya