4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2015
Farmaajo oo ka qayb-galay shirweyne Caalami ah oo la Xiriira Horumarinta Beeraha ADDUUNKA


Khamiis, December 03, 2015 (HOL) — Magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxa lagu soo gaba-gabeeyay shir caalami ah oo looga hadlayay horumarinta Beeraha Adduunka, shirkaasoo ay soo qaban-qaabisay hay'adda horumarinta wax-soo-saarka beeraha adduunka ee loo yaqaan GFIA ama Global Forum for Innovations in Agriculture.

Shirkan waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin iyo hoggaamiyayaal ka socday caalamka, kuwaasoo uu ka mid ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xubnihii lagu casuumay shirkan, isla markaana khudbadaha kala duwan kasoo jeediyay ayaa waxay diiradda saareen sidii loo horumarin lahaa wax-soo-saarka beeraha adduunka, maadaama la saadaalinayo in kororka dadka adduunku uu gaaro in ka badan sagaal 9-bilyan oo qof, halka uu hadda ka yahay in ku dhow 6-bilyan oo qof.

RW hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay sida Adduunku uu uga hor-tegi karo cunno-yaraanta iyo macaluul soo wajahda dunida, isagoo khudbaddiisa diirada ku saaray sida ay muhiimka u tahay in Somalia ay door ka qaadan karto sidii cunno ku filan loogu heli lahaa dadyowga adduunka ku nool.

“Soomaaliya in iyada la quudiyo iska daay’e, waxay quudin kartaa dalal badan oo aan lahayn dhul ku filan oo ay beertaan, maxaa yeelay Soomaaliya waxay leedahay dhul beereed baaxaddiisu le’eg tahay in ka badan siddeed 8-milyan oo hector,” ayuu yiri Farmaajo.

Ugu dambeyn, RW hore ee Somalia ayaa marti-sharafta shirka lagu casuumay oo gaarayay illaa 400-qof ku dhiirri-geliyay inay maal-gashadaan Soomaaliya; waxaana qaar ka mid ah marti-sharaftan ay sheegeen in Somalia ay qayb-weyn ka qaadan karto ka hortigidda cunno-yaraanta Adduunka; iyadoo shirkaas uu ahaa kii ugu horreeyay noociisa oo lagu qabto Qaaradda Afrika.

Cumar Muxumed (Cumar Kiyow)
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika