4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2015
Diyaarado xalay duqeeyay saldhig ay Al-shabaab lahayd oo ku yaala gobolka Shabeellada Hoose


Khamiis, December 03, 2015 (HOL) — Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay fiidkii cirka laga duqeeyay deegaanka Kuunyo-baroow oo 90-km Koonfur-galbeed kaga beegan degmada degmada Baraawe ee gobolka shabeellaha hoose.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegaya inay maqleen illaa saddex gantaal oo culus, kuwaasoo ku dhacay duleedka deegaanka Kuunya-baroow oo dhinaca waddada Kismaayo aadda ah.

Sidoo kale, duqeyntan oo la sheegay in lala beegsaday xubno Al-shabaab ka mid ah ayaan si dhab ah loo ogeyn khasaarihii ka dhashay, welina lama sheegin dalka iska leh diyaaradaha duqeyntan geystay.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeellada Hoose, Maxamed Xuseen Shiine oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeyntu jirto, lana beegsaday mid ka mid ah fariisimaha Al-shabaab ay ku lahayd deegaankaas.

“Duqeynta waxaa lala beegsaday fariisin ka mid ah fariisimaha Al-shabaab ay ku leedahay deeegaanka Kuunya-barow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose,” ayuu yiri Maxamed Shiine.

Ugu dambeyn, duqeyntan ayaa noqonaysa tii labaad oo labadii toddobaad ee la soo dhaafay gudahooda ka dhacday gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo sidan oo kale loo duqeeyay toddobaad ka hor saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka Baladul-amiin ee Wanlaweyn, halkaasoo lagu dilay sided xubnood oo Al-shabaab ka tirsan.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaan weli dhankeeda ka hadlin duqeyntan la sheegay in xalay lala beegsaday saldhigaga ay Al-shabaab ku leedahay Kuunyo-barroow, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in duqeyntu ay ahayd mid culus.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya