1/6/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 27, 2015
Madaxda Safaaradda Somalia ee USA iyo Laanta socdaalka oo MN lagu soo dhaweeyay (Sawirro)


Axad, December 27, 2015 (HOL) — Xafladd ballaaran oo lagu soo dhaweynayay madaxda safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka iyo agaasimaha laanta socdaalka dowladda Somalia ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, iyadoo ay ka qeyb-galeen boqolaal Somali ah, kuwaasoo ku faraxsanaa furitaanka safaarada Somalia ee magaaladda Washington.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay safiirkeenna Axmed Ciise Cawad waxaa ma mid ahaa ku xigeenkiisa Taabit Cabdi, agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud,  Cosob Maxamed Cali Samatar iyo howlwadeeno kale oo ka tirsan safaaradda, waxaana soo dhaweeyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.

“Xaq ayaan u leennahay inaan caawa dabaal-dagno, waayo waan soo noolaanay, madaxana kor ayaan u soo qaadannay, waxaan noo shaqeynaysa safaaradeenii oo muddo xirned, balse laakiin hada calanka ayaa ka dul babanayo, taasina waa guul ku timid samir iyo dul-qaad,” ayuu yiri Cawad oo raaciyay. “Mustaqbalkeennu waa qurux badan yahay, dalkeenuna waa soo fiicnaanayaa maalinba maalinta ka dambeysa”

Safiirka ayaa jaaliyadda ugu baaqay inay taageeraan safaaradda iyo guud ahaan hey’adaha dowladda Soomaaliya. “Waxaan nahay shaqaale idiin shaqeeya, adinka ayaana iska leh safaaradda iyo hey’adaha kale ee dowladda intaba” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

Danjire Axmed Cawad ayaa sidoo kale jaaliyada ku booriyay inay ka shaqeeyaan wanaaga, midnimada iyo xoojinta magaca, sharafta iyo muqaalka Soomaaliyeed. isagoo yiri “Haddii aad aragtaan wax qaldan isku daya inaad toosisaan, laakiinse yaan looga darin.”

Jen. Gaafoow, Taliyaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia ayaa isagana sheegay in socaalkiisu la xiriiro sidii uu safaarada Soomaaliya ay ugala shaqeyn lahaayeen fududeynta isticmaalka baasaboorka iyo adeegyada kale ee la xiriira waaxda socdaalka.

“Waxaan dooneynaa in ruux kasta oo Soomaali ah uu helo Baasaboor waayo waa mid uu u leeyahay xaq, si fudud ayaa looga heli doonaa maagalo kasta,” ayuu Gaafoow yiri, isagoo intaa raaciyay. “Sameynta baasaboorkan waxaan kasoo marnay dhib badan, waxaasen ku guuleysannay inaan noqono dalkii ugu horeeyay ee African ah oo isticmaala baasaboorka caalamiga ah ee E-Passport, taasina waxay noo sahashay inaan ka gudubno baasaboorkii qof kasta iska qaadan jiray oo tabakaayo kasta lagu iibin jiray, kadibna aan helnay kalsooni ah in dalal badan sida Ingiriiska ay qofkii E-passport leh siinaya deganaasho”

Jen. Gaafoow ayaa qurbajoogta Mareykanka ugu baaqay inay dalka dib ugu soo laabtaan. “Markii aan baarnay tirada jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka oo Dalka dib u soo laabtay Sannadkii hore waxaan ogaanay in 20-jibaar ay ka badan yihin Qurba-joogta Ingiriiska, ha cabsanina ee imaada dalkiinna” ayuu ku dhiirri-galiyay.

Cosob Maxamed Cali Samatar oo ah gabar garyaqaanad Soomaaliyeed ah oo isla markaana caawisa safaaradda Soomaaliya ayaa sheegtay in rajada u muuqata ay wanaagsan tahay. “Dhawaan ayaan kasoo laabtay dalkii hooyo, waxaana aaminsan nahay in maalmihii wanaagsanaa ee Soomaaliya ay naga horreeyaan, waana inaan ku gaarnaa wada jir iyo Soomaalinimo” ayay tiri Cosob.

Xubnihii Jaaliyadda ee xafladdan ka hadalay waxaa ka mid ahaa Injineer Cabdi Dheere, Sh. C/salaam Aaadan, Siyaad Cali, Jabril Afyare, Hiba Nuura, Abwaan Luqmaan Cali Waraabe, Deeqo Shabelle, Hodan Nuur, Cabdiwahaab Daahir iyo Maxamuud Ducaale, waxayna dhammaantood xuseen muhiimadda ay safaraada iyo safiirku u leeyihiin dadka Soomaaliyeed, iyagoo ballan-qaaday inay la shaqeynayaan.

Sherriff Richard Stanek oo ah madaxa ammaanka deegaanka Soomaalidu ku badan tahay ee Hennepin County ayaa sheegay inay farxad u tahay ka soo qeyb galka soo dhaweynta Safiirka iyo furitaanka Safaaradda Somalia. “Waa habeen taariikhi ah” ayuu yiri Stanek.

Ugu dambeyn, fannaaniinta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota Fannaaka Axmed Cali Cigaal uu hoggaaminayay oo kaashanayay kooxda dhaqanka iyo hiddaha ee madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Minnesota Somali Museum ayaa soo bandhigay ciyaaro iyo heeso waddani ah oo ay ugu talo galeen munaasabaddan qaaliga aheyd.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota