SAWIRO: Naadiga NAKADSA oo qabtay Dood ku Saabsan Mideynta Awoodaha Dhallinyarada


Jimco, December 25, 2015 (HOL) — Dood la xiriirtay mideynta Dadaallada kala duwan iyo awoodaha dhallinyarada ee dib u soo kabashada waddanka, ayna soo qaban-qaabisay Naadiga NAKADSA, isla markaana ay ka qayb-galeen ururrada dhallinyarada ee dalka ka jira ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa doodda ka hadashay, Samsam Daahir oo ah guddoomiye ku xigeenka oo ka socotey Naadiga NAKADSA, iyadoo sheegtay in ujeeddada loo qabtay dooddan ay tahay in la helo dhallinyaro dhinac walba ka dhisan, si sare loogu qaado wacyiga dhallinyarada & mideynta awoodaha kala duwan ee dhalinyarada Soomaaliyeed si looga jawaabo hanka dhallinyarada ee ka qaybgalka dowladnimada.

“Ujeeddada Naadiga NAKADSA waa in la abuura madal wadahadal oo dhallinyaradu uga wada-xaajooto danahooda, si loo fududeeyo wax wada-qabsiga iyo iskaashi dhallinyarada dhexmara. Sidoo kale in la abuuro jawi is-faham oo dhallinyarada dibadda kasoo laabatay iyo kuwa dalka ku noolaa ay isku dhaafsan karaan khibradaha iyo aqoonta labada dhinac, waxaa kaloo Naadiga doonayaa in laga wada-xaajoodo sida ugu mira dhalsan oo loo fulin karo siaayasadda Qaran ee dhallinyarada ee dowladdu ku howlan tahay,” ayay tiri Samsam Daahir.

Sidoo kale, ururadii dhallinyarada ee ka qayb-galay doodda ku saabsanayd sidii loo mideyn lahaa dadaallada kala duwan iyo awoodaha dhallinyarada ee dib u soo kabashada wadanka ayaa doodda isku-dhaafsadey fikrado iyo aaraa ku saabsan sida ay dhallinyarada Somalia u midoobi karaan, isla markaana loo heli lahaa siyaasad Qaran oo dhallinyaradeena ku hagta dariiqa ay ku gaari karan isku-duubni iyo horumar.

Gunaanadkii waxaa doodan soo xiray guddoomiyaha Naadiga NAKADSA, Cabdiraxmaan Sh. Xuseen Ashcari oo u mahadceliyay ururadii ka qayb-galay doodii mideynta dadaallada kala duwan iyo awoodaha dhallinyarada ee dib u soo kabashada dalka; isagoo sheegay inay NAKADSA halkaas kasii wadi doonto doodaha noocaan ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed lagu horumarinayo.

Ugu dambeyn, talooyinkii ay soo jeediyeenn ururradii ka qayb galay dooddaas ayaa waxaa ka md ahaa in laga gudbi arrimaha qabiilka iyo nin jecleysiga, sidoo kale waxaa ka mid aha talooyinkii lasoo jeediyay in la helo xog-is-dhaafsi ku saabsan doorka dhallinyarada, waxaa kaloo ka mid ahaa talooyinkii doodda laga soo jeediyay in la sameeyo abaabul iyo wacyi-gelin ku saabsan mideynta dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.  

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya