11/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 24, 2015
SAWIRRO: Taliyihii Ciidamada AMISOM oo ay howshiisii u dhamaatay kana dhoofay Muqdisho


Khamiis, December 24, 2015 (HOL) — Taliyihiin ciidamada Midowga Afirka ee Somalia [AMISOM], Jen. Jonathan Rono ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho kaddib markii uu dhameystay xilligii howsha hoggaaminta AMISOM oo ahayd muddo 15-bilood.

Jen. Rono ayaa waxaa sagootiyay cutubyo ka tirsan ciidamada Midowga Afirka ee Somalia oo ay ka dhex-muuqdeen taliye ku xigeenka qorsheynta AMISOM, Jen. Mohammedesha Zeyinu oo si KMG ah u sii wadi doona howsha hoggaaminta AMISOM inta taliye cusub la soo magacaabayo iyo Taliya Qaybta koowaad ee AMISOM, Brig. Sam Okiding.

Ciidamada AMISOM ayaa taliyaha shaqadiisu dhamaatay ku ammaanay sidii uu 22,000 ee askari ee ay ka kooban yihiin ciidamada AMISOM u soo hoggaamiayay muddadii uu xilka hayay.

Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Caetano Jose Madeira ayaa uga mahadceliyay Jen. Rono howshii adkayd ee uu qabtay intii hoggaanka uu u hayay ciidanka AMISOM.

“Waxaan doonayaa inaan uga mahad-celiyo Jen. Rono dadaalkii faraha badnaa ee uu ugu shaqeynayay shacabka Soomaaliyeed intii uu hoggaaminayay AMISOM. Waxaanan gud-doonsiinay billad-sharaf muujinaysa inuu howl adag oo samafalka ah uu soo qabtay,” ayuu danjire Madeira ku yiri warbixin uu xafiiskiisa kasoo saaray.

Sidoo kale, Danjire Madeira ayaa ku tilmaamay Jen. Rono inuu ahaa mas’uul ka soo qayb-qaatay howlaha lagu doonayo in Somalia lagu xasiliyo, uuna hormuud u ahaa guulo badan oo laga gaaray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Jen. Jonathan Rono ayaa waxaa xilka hoggaanka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM loo magacaabay bishii September ee sannadkii 2014-kii, xilligaasoo ay Somalia ka socdeen dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda Somalia oo garab ka helaya AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

Dhanka kale, Jen. Rono ayaa sheegay in guusha la gaaray intii uu xilka hayay ay sabab u ahayd howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya, ayna deegaanno badan ka saareen kooxda Al-shabaab.

“Haddii aan si wadajir ah shaqada loo qaban lahayn aad ayay u aadkaan lahayd in guulaha la gaaray la gaaro. Waxaan doonayaa inaan ka mahadceliyo wada-shaqeynta aan ka helnay dowladda Somalia, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kuwaasoo mar walba si aad u dhow noola shaqeynayay. Waxaana marag-ma-doonto ah in haddii taageeradaas aanan ka heli lahayn dhinacyadan ay howshu nagu adkaan lahayd,” ayuu yiri Jen. Jonathan Rono.

Ugu dambeyn, taliyaha howshiisa dhameystay ayaa sheegay in Somalia uu uga tagayo rajo wanaagsan oo ah in laga guuleysan doono Al-shabaab. Wuxuuna ka dalbaday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay xoojiyaan taageeradooda Soomaaliya si looga miro-dhaliyo howsha lagu doonayo in Somalia lagu nabadeeyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya