NAIROBI: Dood looga hadlay Waxa laga faa'iidi karo Siyaasada Turkiga ee Somalia (SAWIRRO)


Axad, December 20, 2015 (HOL) — Kulan isugu jiray dood iyo aqoon-is-weydaarsi oo ay soo qaban-qaabisay Shabakadda Caddaaladda iyo Nabadda ee MAANDEEQ loona yaqaan JPN "Justice and Peace Network", qaybteeda cilmi-baarista ee Akadeemiyada Soomaalida oo kaashanaysay ururka 13 Plus iyo xarunta dhaqanka ee Aw-Jaamac Cumar Ciise, ayaa maanta lagu qabtay Xaafada Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi.

Dooddaan oo ay ka qayb-galeen aqoonyahano iyo marti sharaf kala duwan, ayaa waxey ku saabsaneyd waxyaabaha laga faa'idi karo siyaasada Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo aqoon-yahanada kala ah; Prof.  Cabdiwahaab Sheekh C/samad iyo Prof Ibraahim Faarax Bursaliid ay ka faalloodeen taariikhda dalka Turkiga iyo isbedeladii uu soo maray.

Waxay sidoo kale ka sheekeeyeen aqoonyahadaas wadamadii uu Turkigu soo guumeystay, horumaradii uu gaaray iyo waliba xiriirrada uu la sameyay Qaaradda Afrika wixii 1998-dii ka dambeeyay.

Sidoo kale, C/salaam Yarow Axmed oo ah Guddoomiyaha Ururka dhallinyarada ee Saddex iyo toban iyo dheeraad (13 Plus), ayaa sheegay in loo baahan yahay dadka Soomaaliyeed iney gartaan aayahooda, ayna ka faa'ideystaan kaalmooyinka uu Turkigu siinaayo. Isagoo intaas ku daray in dhallinyarada looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan mustaqabalkooda iyo horumarka dalkooda.

Intii uu kulanku socday, ayaa waxyaabaha looga dooday oo ay ka qeyb galayaashu ku kala fikrado duwanaayeen waxaa ka mid ahaa; Siyaasadda cusub ee dowladda Turkiga ee dalka Somalia iyo waxyaabaha ka dambeyn karo caawimaadiisa Soomaaliya.

Sidoo kale, Waxyaabaha laga baran karo Turkiga ayay ku sheegeen qaar ka mid ah dadkii ka qayb-galay dooddaas, iney tahay Turkiga oo horay u ahaan jiray boqortooyo ama wadan burburay oo haddana dib uga soo kabsaday iyo in Soomaaliya ay wax badan ka barato sidii ay dib oga soo kaban laheyd burburkii gaaray.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Turkiga ayaa sannadihii lasoo dhaafay waxay dadka Somalia u fidisay kaalmooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin; Waxbarasho, dib- u-dhiska garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, Dekedda Muqdisho, isbitaalo, waddooyin, iskuulo casri ah, hawlo-nadaafadeed iyo weliba dib u howl-galinta duulimaadyadii caalamiga ahaa ee Shirkada Turkish Airlines ay dib oga bilowday Somalia.  

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya