4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 2 , 2015
Suxufiyiin ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay Gobolka Sanaag oo loo qaaday Hargaysa

Arbaco, December 02, 2015 (HOL) — Wariyayaal ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay galbeedka degmada Ceeri-gaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa arrimo caafimaad loogu qaaday magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland kaddib markii xaaladooda caafimaad laga dayriyay.

Labadan suxufi ayaa lagu kala magacaabaa, Cali Aadan Daahir iyo Maxamuud Maxamed Xasan (Sarraab), waxayna wakiil-wareedyo u ahaayeen Telefishinnada Horn Cable iyo kan Qaranka ee Somaliland.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay suxufiyiintan dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen madaxa iyo feedhaha, isla markaana xaaladooda caafimaad ay ka soo daraysay tan iyo intii ay shilka galeen.

“Waxaan halkaan ka qaadaynaa labadii wariye ee gaarigu la dhacay shalay, waxaanan ugu diraynaa dhakhtar magaalada Hargaysa," ayuu yiri gudoomiye Axmed Cabdi Salaad oo ka hadlyay xaaladda caafimaad ee wariyayaashan.

“In ilaahey caafimaad deg-deg ah siiyo ayaan ugu ducaynaynaa, jidkana waxaanu leenahay allahaa idin ku sii nabad-galiyo,“ ayuu gudoomiyuhu mar kale yiri, isagoo u mahad-celiyay qaar kamid ah suxufiyiinta ka howl-gala degmada Ceergaabo ee Gobolka Sanaag.

Ugu dambeyn, maamulka Ceeri-gaabo ayaa si lamid ah caafimaad deg-deg ah u rajeeyay wariyayaashan loo qaaday Hargaysa, mana ahan sida la sheegay shilkii ugu horeeyay ee ka dhaca duleedka degmadaas.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]