4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 2 , 2015
Hoggaanka Galmudug iyo Puntland oo Hadallo xasaasi ah ka jeediyay xafladii saxiixa heshiiska


Arbaco, December 02, 2015 (HOL) — Inkastoo maanta degmada Gaalkacyo lagu saxiixay heshiis ka kooban afar qodob, kaasoo gun-dhig u noqonaya hishiis rasmi ah oo laga gaaro colaadda magaalada Gaalkacyo, haddana waxaa jira shaki badan oo ku hareereysa dhaqan-galka hishiiska ay wadda-galaan labada maamul Galmudug iyo Puntland, marka loo eego khubadihii ay maanta ka jeediyeen munaasabada madaxweynayaasha labada maamul.

Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xusseen Guulleed ayaa khubaddiisa ku sheegay inay 100% dhinacooda soo dhaweynayaan qodobada lagu hishiiyay, laakiin wuxuu ka digay in colaadda magaalada Gaalkacyo loo saariyo sidda uu hadalka u dhigay dhinacyo kale.

“Annigoo wakiil ka ah shacabka Galmudug waxaan halkan ka balan-qaadayaa dhinaceen in hishiiskaa aan 100% aqbalsannahay, colaada Gaalkacyo ma aha mid dhaafsiisan dadka Gaalkacyo, ma ahan mid dhaafsiisan labada maamul, waxaan ka digeynaa in meel kale loo saariyo ama xalka laga doon-doono, haddii ay taa dhacdo waxaan leenahay waxaa ay sii fogeyn doontaa xalka iyo nabada la raadinayo,'' ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Khudbada madaxweyne Guulleed ayaa u muuqatay mid ku soctay dhigiisa C/wali Gaas oo dhawaan sheegay inay colaada Gaalkacyo tahay mid ka baxsan labada maamul, taas badal-keedana ay hurinayaan mas’uuliyiinta ugu sareeysa dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa khudbadiisa ku sheegay inaan lagu wada-noolaan karin sida uu hadalka u dhigay Gaalkacyo oo ah meel aan nabad iyo colaad toona aheyn, siddaa daraadeed looga baahan yahay dhinacyada waan-waanta wadda in ay si dhab ah u guda-galaan arimo badan oo u baahan in xal loo helo.

“Colaadda magaalada Gaalkacyo waxaa asal u ahaa oo ay ka bilaabtay hormar ay Puntland waday oo la is-hortaagay shaqaalihii wadayna lagu soo duulay oo la laayay, taasoo aan uga baahaan-nahay dhinacyada ku howlan waan-waanta inay meel cad saaraan, cidda nabadda dhibaatada ku ah'naay farta ku fiiqaan," ayuu yiri madaxweyne C/wali Gaas.

Marka eegto qodobada lagu heshiiyay ee afarta ah iyo xiisada ka dhax-aloosan maamulada Puntland iyo Galmudug oo soo jiitamaysay tan iyo markii la dhisay Galmudug, waxaa iska cad in arrimo badan oo hadda aad moodo in la dul-marayo tahay in hoos loogu dhaadhaco, madaama illaa hadda aysan kala cadeyn waxa kala xadidaya labada dhinac ee damaanada u noqonaya in dagaal danbe uusan ka dhici doonin magaalada Gaalkacyo.

RW xukuumadda Somalaia, Cumar C/rashiid Cali oo tan iyo markii ay dagaallada dhaceen u taagnaa sidii xal kama dambeys ah loogu heli lahaa colaada magaalada Gaalkacyo, ayaa kalsami ka muujiyay dhaqan-galka hishiiska, isaga oo intaa ku darray in ay guddi isugu jira dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada u saareen dhameystirka hishiiska.

Ugu dambeyn, magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo leh saameyn dhanka siyaasadeed iyo dhaqaale ah leh, ayaa hadda u muuqata mid xarun u ah gor-gortanka siyaasadeed ee labada maamul Puntland iyo Galmudug oo mid walba u arko magaalada Gaalkacyo mid ay iyagu maamulaan.

C/raxmaan Diini. Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya