4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 2 , 2015
SAWIRRO: Aqoon-kororsi Nairobi uga socda xubno matalaya DF iyo Maamul-goboleedyada


Arbaco, December 02, 2015 (HOL) — Aqoon-kororsi ku saabsan sidii looga faa'ideysan kheyraadka Somalia, ayaa wajigiisa koowaad uu maalintii labaad oga socdaa magaalada Nairobi illaa Soddon xubnood oo ka kala socdo Dowladda dhexe ee Somalia iyo maamul goboleedyada hoos yimaado.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Somalia, Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo shalay furay qeybta koowaad ee Aqoon-kororsigaan, ayaa wareysi gaar ah oo uu maanta siiyay Hiiraan Online wuxuu ku sheegay in aqoon-kororsigaan uu yahay mid lagu baranaayo sidii dadka Soomaaliyeed ay oga faa'ideysan lahaa kheyraadka wadankooda.

Wasiirka, ayaa intaas ku daray in dowladda Somalia ay ku dadaaleyso qaabkii ay isfahan oga dhex abuuri laheyd shacabka Soomaaliyeed si colaad la'aan ay uga faa'ideystaan khey-raadka dalkooda. Isagoona tilmaamay in qodobka 44 ee Dastuurka Somalia uu dhigaayo in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu ay ka wada hadlaan ka faa'ideysiga kheyraadka Somalia.

Ujeedada Aqoon-kororsigaan, ayaa lagu sheegay iney tahay sidii loo dhisi lahaa garaadka dadka ka qeyb galaayo si ay wax badan oga fahmaan, ka faa'ideysiga Shidaalka, Saliidda, Macdanta iyo Batroolka Somalia. Sidoo kalana ay ugu faa'ideyaan shacabka Soomaaliyeed.

Aqoon-isweydaarsigaan oo ay soo qaban-qaabisay dowladda Somalia, waxaana fududey-naya Baniga Adduunka waxaana berri lagu wadaa in la soo xiro wajiga koowaad oo socday muddo saddex maalmood ah, halka wajiga labaad loo balansan yahay inuu biloowdo 15-ka bishan December.

Dowladda federalka Somalia iyo maamul-goboleedyada hoos-yimaada, ayaa 21-kii bishii October ee sannadkaan waxey ku saxiixdeen magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, heeshiis ku saabsanaa in dhinacyadaas ay soo magacaabaan guddiyo ka shaqeeyo arrimaha kheyraadka Somalia.

Dhanka kale wadanka Somalia oo hada ka soo baxaay colaaddo iyo dagaalo sokeeye oo ka jiray mudo 20 sano ka badan, ayaa waxaa lagu sheegaa inuu qani ku yahay Batroolka iyo noocyada kala duwan ee Macdanta, laakin wuxuu hada ka mid yahay wadamada caalamka ugu saboolsan, isagoona kaalinta 232-baad kaga jiro dhanka kala sareyntana Saboolnimada adduunka, una ka hooseeyo kaliya wadanka Kosovo oo ku yaallo Konfur Bari Qaarada Yurub oo madaxbannaanidiisa ka qaatay Serbia 2008-dii. 

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya