4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 2 , 2015
Madaxweyne Xasan oo soo Dhaweeyay Heshiiskii maanta lagu kala Saxiixday Magaalada Gaalkacyo


Arbaco, December 02, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa si diirran u soo dhaweeyay heshiiskii nabadeed ee maanta Gaalkacyo ay ku kala saxiixdeen madaxweynayaasha maamullada Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Heshiiska oo ka kooban afar qodob ayaa lagu soo af-jarayaa dagaalkii dhawaan Gaalkacyo ku dhex-maray ciidammo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug, kuwaasoo ay ka dhasheen khasaarooyin nafeed iyo kuwo hantiyeed.

“Waan soo dhaweynayaa heshiiskan taariikhiga ah ee maanta Gaalkacyo lagu saxiixay. Wuxuu heshiiskan ka tarjumayaa biseylka siyaasadeed ee shacabka iyo siyaasiyiinta ee dhinaca horumarka iyo nabadda,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in khilaaf kasta oo dhaca uu ku qurux badan yahay in wadahadal lagu xaliyo, Soomaaliyana ay ka gudubtay xilligii qoriga wax lagu xallin lahaa.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ammaan ugu jeediyay RW Cumar C/rashiid Cali iyo mas’uuliyiintii kale ee kala qayb qaadatay dadaalkii nabadeed ee maalmahan laga waday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya