4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 2 , 2015
Xildhibaan ku Geeriyooday Muqdisho iyo Xasan Sheekh oo ka hadlay Geerida Xildhibaankan


Arbaco, December 02, 2015 (HOL) — Xildhibaan Sadiiq Cabdikariin Maxamed oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamanka federaalka Somalia ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, iyadoo madaxweynaha Somalia uu ka hadlay geerida xildhibaankan.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu muddo xanuunsanaa uuna u dhintay maanta xanuunkaas, waxaana geeridiisa u xaqiijiyay saxaafadda mudane Maxamed Cumar oo ah hab-dhowraha baarlamaanka Somalia oo sheegay in xildhibaanku uu ugu geeriyooday Muqdisho xanuun muddooyinkan hayay.

Sidoo kale, wararka qaarkood ayaa sheegaya in xanuunka xildhibaankani uu u geeriyooday uu ahaa kansar; inkastoo hab-dhowraha baarlamaanka uusan si cad u sheegin xanuunka uu u geeriyooday xildhibaan Sadiq C/kariin Maxamed.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday xildhiban Saadaq C/kariin; wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon baarlamaanka Somalia, ayna xildhibaanada baarlamanka iyo shacabkuba ay tebi doonaan hawshii uu u hayay.

Ugu dambeyn, marxuum Sadiiq ayaa wuxuu ka mid noqonayaa tiro xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlamaanka oo xanuunno ugu geeriyooday Muqdisho iyo xildhibaano siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya