4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 2 , 2015
RW Somalia oo Maanta ka warbixiyay dadaallada lagu Dhex-dhexaadinayo Puntland iyo Galmudug


Arbaco, December 02, 2015 (HOL) — RW Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa maanta ka Warbixiyay dadaallada Nabadeed ee ay ka wadaan Gaalkacyo iyo heshiiskii Gaalkacyo ay madaxweynayaasha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed & Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Sharma’arke oo u warramayay VOA-da isagoo ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in markii ay arkeen dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo saameynta ay ku yeesheen shacabka nool degmadaas iyo barakicii degmadaas ayaan go’aansanay inaan nimaanno Gaalkacyo si heshiis aan u dhex-dhigno dhinacyada isku hayay magaaladaas.

“Gaalkacyo markii aan imid waxaan billaabay dadaallo aan labada dhinac isugu keenayno, waxaan ka mahad-celinaynaa inay dadaalkooda dhankooda ka galeen oo ay ogolaadeen in ay maanta heshiis saxiixaan,” ayuu yiri RW Sharma’arke.

Mar la weydiiyay in dadku ay is-weydiiyaan in heshiiskaan uu dhaqan-geli karo, ayuu kaga jawaabay Sharma’arke. “Waa dhaqan-geli karaa, waayo waxay labada madaxweyne shirkii maanta ka jeediyeen baaq ka jeediyeen. Galabtana waxaa kulmi doona guddigii farsamada; kuwaasoo ay dowladda Soomaaliya uga qayb-geli doonaan wasiirrada arrimaha gudaha iyo cadaaladda iyo wasiir ku xigeenka maaliyadda iyo wasiir-u-dowlaha madaxweynaha DFS. Waxaana guddiga hoggaamin doona taliyaha ciidamada xoogga Jen. Maxamed Aadan.”

Sidoo kale, RW Somalia Sharma’arke ayaa intaas ku daray inay gellinka dambe ee maanta isku keeni doonaan wasiirrada amniga labada maamul, taliyeyaasha ciidanka labada dhinac iyo weliba guddoomiyeyaasha degmada ee labada dhinac, iyadoo laga wada-hadli doono sidii ciidanka loo kala qaadi lahaa, loona kala geyn lahaa goobihii ay ku kala sugnaayeen intii dagaalku uusan dhicin.

“Howshaas way socotaa, mana jiri doonto wax dib u dhac ah, waxaana filaynaa inay xal ku gaari doonaan guddiyadaas kulankooda illaa caawa,” ayuu yiri RW Somalia Sharma’arke.

Su’aal kale oo ahayd in wixii dhacay iyo sidii ay u dhaceen iyo sidii aysan u soo laaban lahayn wax ma la iska weydiiyay oo cid eed la saaray ma jirtaa, mise waa laga gudbay, ayuu RW Somalia kaga jawaabay.

“Guddiga wada-xaajoodka ee la saari doona ayaa arrintaas ka hadli doona, iyagaana fiirin doona dhibaatadii Gaalkacyo ay ka billaabatay, khaladaadkii dhacay oo dhanna soo sheegi doona, sida xalku yahayna sheegi doona, xaaladana kusoo celin doona sidii caadiga ahayd. Waxayna labada maamul-goboleed naga aqbaleen inaan gool u dhigno oo aan isugu keeno meel ka mid ah dalka gudihiisa; taasoo aan uga gol-leenahay in tuhunno badan oo jira laga saaro meesha.”

Dhanka kale, RW Somalia su’aal kale oo la weydiiyay oo ahayd sababta ay ka billaabatay colaaddan ay tahay waddo la dhisayo oo keliya, mise way ka ballaaran oo waxay salka ku haysaa maamullada la dhisayo iyo kheyraadka; wuxuuna kaga jawaabay. “Sida aan sheegin arrintan guddi ayaa loo saarayaa inay kasoo talo-bixiyaan; dadaalkeenuna waa inaanay dad dambe nooga dhiman colaad, ujeedkeennuna taas ayay ahayd.”

Ugu dabmeyn, Cumar C/rashiid ayaa sheegay inuu ugu baaqayo dadweynihii ka barakacay Gaalkacyo inay guryahooda dib ugu soo laabtaan; waddooyinka la furo, ganacsiga la furo, dadku isku socdaan. Isagoo sheegay inay Gaalkacyo tahay magaalo muhiim u ah arrimo badan oo soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya