4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 2 , 2015
BURKINA FASO: Banaanbax lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Cusub ee loo doortay Dalkaas


Arbaco, December 02, 2015 (HOL) — Burkina Faso ayaa horay u qaadday tallaabo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, kaddib markii Taladaadii loo doortay madaxweynaha cusub ee waddankaas, Roch Marc Christian Kabore, kaas oo noqonaya madaxweyinihii labaad ee dalkaas oo lasoo doorto tan iyo markii uu xorriyaddiisa ka qaatay gumeystihii Faransiiska 1960-kii.

Kumannaan shacab ah oo taageerayay doorashada Chiristian Kabore ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee dalkaas, iyagoo u dalbaal-dagaya doorashada Kabore oo helay 53% codadkii la dhiibtay. Iyadoo bannaan-baxayaashu ay ku urureen markii dambe xarunta xisbiga horumarka oo uu madaxweynaha la doortay ka tirsan yahay.

Sidoo kale, doorashada Kabore oo ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Burkina Faso ayaa lagu tilmaamay mid muhiimad gaar ah u leh dalkaas oo 30-kii sannadood ku jiray xukun ciidan.

Mr. Kabore ayaa wuxuu bedelayaa xukuumaddii KMG ahaa, taasoo bishii September ee sannadkan lagu sameeyay afgambi dhicisoobay, kaasoo ay ku dhinteen dad shacab ah oo dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan afmbiga ka dhigay xarunta dalkaas ee Ouagadougou.

“Dhammaan dadkii ku waxyeelloobay rabshadihii dhacay waxay waddankeenna u noqon doonaan taariikh, Qarankuna wuu u mahad-celinayaa,” ayuu Kabore ku yiri hadal kooban oo uu u jeediyay taageerayaashiisa.

Rabshado ka dhacay dalka Burkina Faso oo looga soo horjeeda xukuunno ciidan oo talada si khasab ah kula wareegay sannadkii 2014-kii iyo bishii September ee sannadkan 2015-ka; ayaa waxaa ku dhintay 44-qof, iyadoo dhaawacyo ay kasoo gaareen tiro intaa ka badan.

“Waxay naga mudan yihiin amaan kuwii naftooda u huray in dastuurka iyo shruuucda lagu dhaqmo, horumarinta dimuqraadiyada, dib u heshiisiin Qaran, inay bulshadeenu wadajirto, xorriyadda iyo cadaaladda,” ayuu Kabore yiri hadalkii uu u jeediyay taageerayaashiisa.

Madaxweynaha la doortay ee Burkina Faso, Kabore oo 58-jir ah ayaa waxaa bishii Janaayo ee sannadkii 2014-kii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka xilligii uu xukunka hayay madaxweynihii hore ee dalkaas Compaore, balse isaga iyo xubno kale ayaa ka horyimid Compaore oo awoodda Burkina Faso ku qabsaday afgambi millateri oo uu dhiig ku daatay sannadkii 1987-kii.

“Doorashadaan guul weyn ayay u tahay dhammaan shacabkii u dagaallamayay in Burkina Faso uu isbedel maamul ka dhaco, waxaana u arkaan guul wadajir ah loo gaaray,” ayay tiri Maggie Dwyer oo ah macallin wax ka dhiga jaamacadda Edinburgh.

Ugu dambeyn, dalka Burkina Faso oo tirada shacabkiisu ay tahay 17-milyan oo qof ayaa waxaa 60% la sheegay inay yihiin dhallinyaro; iyadoo isbedelkan si aad u weyn looga soo dhaweeyay guud ahaan dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya