4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 2 , 2015
Kulan looga Hadlayo Dhibaatooyinka AIDS-ka oo ka socda Xarunta dalka Zimbabwe ee Harare


Arbaco, December 02, 2015 (HOL) — Magaalada Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe ayaa waxaa ka socda shir caalami ah oo diidaradda lagu saarayo horumarinta dadka la nool cudurka HIV/AIDS, kaasoo ay ka qayb-galayaan shacab ka kala socda dalalka caalamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Shirkan oo sannadkiiba mar la qabto ayaa guda-galay malintiisii Afaraad, wuxuuna furmay 29-kii November 2015-ka, waxaana qoddobada looga hadlayo shirkaan ka mid ah sidii loo hurmarin lahaa, isla markaana shaqo abuuris loogu sameyn lahaa dadka is-qariya ee AIDS-ka la nool, looguna boorrin lahaa inay dawooyin qaataan.

Wadamada Zimbabwi, Uganda, Somalia, Itoobiya, Burkina Faso, Senegal, Kenya, Jabuuti iyo dalal kale ayaa kulankan caalamiga ah ka qayb-galaya, waxaana lagu wadaa in 04-ta bisha December oo ku beegan Jimcaha lasoo gaba-gabeeyo.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah xubanaha lagu casuumay shirkan oo khudbada ka jeediyay ayaa sheegay inay muhiim tahay in la caawiyo lana gar-gaaro dadka la dhibban ama la nool cudurka HIV/AIDS-ka, isla makaana aan la takoorin; loona sameeya xaruma caafimaad oo xilli walba lagu daweeyo, xaladooda caafimaadna  lagula socdo hadba heerka ay marayso.

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow)
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika