4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 2 , 2015
Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo ku kulmay Heshiisna Wada Saxiixay (SAWIRRO)


Arbaco, December 02, 2015 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshay madaxweynayaasha Galmudug, C/kraiin Xuseen Guuleed iyo Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, kulankaas oo ay labada madaxweyne ku saxiixeen heshiis ka kooban afar qodob oo gun-dhig u ah sidii loo xallin lahaa colaadda Gaalkacyo ka taagan.

Kulankan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, xubno wasiirro ah oo ka socda dowladda Somalia iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur-galbeed Somalia iyo xubno ka socday Beesha Calaamka.

AKHRISO; Heshiiska ay saxiixeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya