4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2015
Xisbiga Daljir oo u dabaal-dagay Maanta Sannad-guuradii Koowaad ee Aasaaskiisa (SAWIRRO)


Talaado, December 01, 2015 (HOL) — Munaasabad loogu dabaal degayay sanad-guuradii koowaad ee aasaaska xisbiga Daljir ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, taasoo ay ka qayb-galeen dad bulshada magac ku leh oo ay ka mid ahaayeen odayaasha dhaqanka, madaxda xisbiyada siyaasadeed, xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia, wasiirro ka socday maamul-goboleedka Koonfur-galbeed, xildhibaano ka socday Galmudug, ururada bulshada rayidka, qaybaha xisbiga Daljir, sida; aas-aasayaashii xisbiga, golaha dhexe, garabyada haweenka iyo dhallinyarada.

Xafladda ayay mas’uuliyiinta Xisbiga Daljir ku soo bandhigeen waxqabadkoodii sanadkii tagey iyo qorshaha sanadka cususb ugu magac-darey “Sannadkii aan soo dhaafnay wuxuu ahaa sannadkii aasaas-dhigidda, sanadka soo socdana kii ambaqaadka”, iyagoo hoosta ka xariiqeen in xisbigu mudadii sanadka aheyd ee uu jirey ay u qabsoomeen hawlo waaweyn, uuna saaxada siyaasadda dalka ku soo kordhiyey horumar, hal-bauur iyo firfircooni.

Mas’uuliyiinta xisbiga Daljir oo ay ka mid ahaayeen Mudane Xasan Xaaji Ibraahim oo ku hadlayey magaca guddoomiyaha Xisbiga oo safar shaqo dalka dibadiisa ugu maqan, iyo xoghayaha guud mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo duqa golaha dhexe ee xisbiga mudane Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaabow) waxay hadaladooda ku xuseen in dalku siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba uu meel adag marayo, loona baahan yahey isbedel dhab ah inuu dalka ka dhaco sanadka 2016, ayagoo baaqyo u direy maamulada Puntland iyo Galmudug in ay dirirta Gaalkacyo ku dhammeeyaan waanwaan iyo wadahadal, lagana gudbo marka kale in dadka Soomaaliyeed ee walaalaha la isku dhammeeyo, ama dhiigooda la isku daadiyo.

Mas’uuliyiintii Xisbiga Daljir u hadashey ayaa qeexey siyaasadda xisbiga ee sannadka billowday, iyagoo ku nuux-nuuxsadey in laamaha iyo xafiisyada xisbiga la gaarsiin doono dalka daafahiisa, iyo wadamada dibadda, waxeyna sheegeen in dadka Soomaaliyeed ay u diyaargaroobaan doorasho xor ah oo dalka ka dhacda, meelna looga soo wada jeesto madaxda rabta in ay kursiga dalka si sharci darro ah ku dheereystaan ama waddo qaldan hiigsiga 2016 in ay dalka mariyaan, madaxdaasoo dalka isaga maamusha sidii shirkad ay maalgaliyaashooda yihiin oo kale, waxey madaxda Daljir adkeeyeen in isbaheysiyo siyaasadeed ay kol dhow yeelan doonaan axsaabta siyaasadeed kuwaasoo hormuud u noqon doona in dalku dib u soo galo gacanta Soomaalida, laguna hago talo Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo goobta ka Hadley madaxda axsaabta siyaasadeed oo ay ka mid ahaayeen Mudane Dr. Saadaq Eenow Guddoomiyaha Xisbiga Midnimo, Mudane C/hi Sh. Xasan oo ah wasiirka ganacsiga dawlad goboleedka Koofur Galbeed ahna guddoomiyaha isbaheysiga nabadda iyo dimuqraadiyada, guddoomiyaha Xisbiga Kulan mudane C/qaadir Maxamed Cismaan (Barnaamij), Guddoomiye ku xigeenka Madasha Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Prof. C/shukuur Sh. Xasan Fiqi, waxey dhammaantood hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen bahda Xisbiga Daljir, ayagoo hoosta ka xariiqey in dalku meel adag uu ku sii socdo, madaxda dalkuna ay ku mashquulsan yihiin sidii ay kursiga ku sii joogi lahaayeen oo aysan wax dan ah ka laheyn dhibaatooyinka ay dadku la nool yihiin iyo kala furfurashada dalku waajahayo, ayagoo ballanqaadey in si wadajir xisbiyadu ay u waajihi doonaan siyaasadda dalka, isla markaana ay mawaaqif isku mid ah ka qaadan doonaan hanaan kasta oo hareer marsan sharciga dalka oo ay keenaan madaxda dalku.

Odoyaasha dhaqanka ayaa iyana kaalintooda ka qaatey munaasabadii dabaaldegga xisbiga Daljir, waxayna hadallo hambalyo iyo dhiiro-galin ah ka jeediyeen xafladda, waxaana ka mid ahaan: Wakiilka imaam Maxamed Yuusuf, Ugaas C/llaahi Ugaas Ugaas Faracadde, Ugaas Cabdi Daahir iyo salaadiin kale, dhammaan waxey isla qireen in dalku badbaado u baahan yahey xisbiyadu ay yihiin kuwa kaalintaas laga sugaayo iney ka soo dhalaalaan, haddii ay yihiin dhaqankana ay garab taagan yihiin asxaabta siyaasadda.

Xildhibaan C/sataar Sheekh C/salaam Sh. Xasan Barsame ayaa isna hadallo dhiirri-galin iyo bogaadin ahaa xafladda ka sheegay.

Gunaanadkii xoghayaha guud ee xisbiga Daljir ayaa xafladda soo xiray, isagoo mahadcelin uu u jeediyey kasoo qayb-galayaashii kaddib yiri. “Sannadka soo socda waxaa xafladda Daljir lagu qaban doono garoomada cayaaraha; iyadoo la filayo in xilligaas ay dalkeena ka dhacdo isbedel siyaasadeed oo ay dadka Soomaaliyeed ku diirsadaan.”

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda Daljir kasoo qayb-galay kooxaha cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka cayaariyay iyo kooxda Waaberi oo heeso waddani ah goobta ka qaadayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya