4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2015
SOMALILAND: Hoos ayaanu u dhignay heerkii uu Marayay Cudurka HIV/AIDS (SAWIRRO)


Talaado, December 01, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta ka qaybgallay maalinta cudurka HIV/AIDS oo sannad walba caalamka laga xuso 01-da December.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in faafitaankii cudurkaasi hoos uga dhacay dalka, isla markaana isku dayey inay wacyigelin balaadhan ka sameeyeen faafitaanka cudurkaas.

Xaflad balaadhan oo maanta lagu qabtay hoteel Maansoor ayaa waxa soo qabanqaabiyey hay’adda la dagaalanka xanuunka HIV/AIDS, waxaana halkaasi ka hadlay agaasimaha xaruntan Cabdi Cali waxaanu sheegay in heerkii uu Somaliland ka marayey hoos loogu dhigay.

Madaxweyne Siilaanyo oo munaasibadan ka hadlayey waxa uu yidhi “Taariikhdu markay ahayd 25/8/2013-kii, waxaan Xafiiska Komishanka Qaranka ee La Dagaalanka Xanuunka HIV/AIDS-ka kaga dhawaaqay siday Madaxweyne ahaan, iga go’an-tahay la dagaallanka iyo xakamaynta HIV/AIDS-ka. Xukuumaddaydu waxay wakhtigaa yool ka dhigatay in lagu dedaalo sidii xanuunkan loo xakamayn lahaa, si aanu u dhaafin marxaladda uu xilligaa taagnaa, una gaadhin Heerka Labaad ee loo yaqaanno Marxaladda Baahsan”.

Madaxweynuhu wuxuu yiri. “Maanta oo ah  01-da December, 2015-ka, waxaan jecelahay inaan idinku wargaliyo in ku talo-galkaasi uu fulay, oo xanuunku Waddankeena hoos ugu soo dhacay Marxaladda Koowaad, halkii uu markii hore madaxa la sii galayay Marxaladda Labaad (marxalada baahsan). Labo sano ka hor heerka uu xanuunkan dalkeena ka marayey wuxuu ahaa 1.1%, halka uu maanta hoos ugu soo dhacay 0.6%, taasoo ah horumar aad u weyn oo Qarankani gaaray, una dhiganta inuu xanuunkani 54.6% hoos uga dhacay heerkii uu maalintaas taagnaa”.

Sidoo kale, Mas'uuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa sheegay in aan la takoorin dadka la nool cudurkan, isla markaana la soo dhoweeyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland