4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2015
Madaxweynaha Somalia oo warqadihii aqoonsiga ka Guddoomay Safiirrada Finland iyo Thailand


Talaado, December 01, 2015 (HOL) — Madaxweyne, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada dalalka Thailand iyo Finland u joogi doona dalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka boqortooyada Thailand, Prasittiporn Wetprasit oo ah danjirihii ugu horreeyay ee abid ay Thailand u soo dirto Soomaaliya, isagoo madaxweyne Xasan Sheekh soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday boqorka Thailand, Bhumibol Adulyadej.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo danjiraha Thailand ayaa ka wadahadlay xiriirka muhiim ah oo dhex-mara labada dal, iyagoo isku af-garteen inay ka wada shaqeyaan mashaariicda caafimaadka, beeraha, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha cusub ee dalka Finland wakiilka uga noqoneysa Somalia, Tarja Orvokki Fernandez.

Madaxweynaha Somalia iyo danjire Fernanzez ayaa ka wadahadley xiriirka soo jireenka ah ee labada waddan, gaar ahaan adeegyadii caafimaad ee Finland ka fulin jirtay Soomaaliya, sida barnaamijkii dabar-goynta cudurka qaaxada ama TB-da.

Waxay kaloo labada mas’uul kawada hadleen arrimaha siyaasadda iyo amniga ee Somalia, gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Danjire Fernandez ayaa madaxweyne Xasan Sheekh soo gaarsiisay dhambaal ay ka siday madaxweynaha Finland, Sauli Niinistö, waxayna sheegtay in Finland ay si weyn u daney-neyso dib u soo nooleynta xiriirkii ay la lahayd Soomaaliya, isla markaana ay doonayaan inay sii xoojiyaan, siina ballaariyaan.

Madaxweynaha Somalia ayaa labada safiir ee Thailand iyo Finland u balanqaaday in DFS ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto sidii ay waajibaadyadooda u gudan lahaayeen.

Ugu dambeyn, kulamadan waxaa goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somalia, Axmed Cali Kediye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya