4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2015
SAWIRRO: Wasaarada Caafimaadka iyo Guddiga SCAC oo Xusay Maalinta AIDS-ka Adduunka


Talaado, December 01, 2015 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee AIDS-ka Adduunka oo 01-da December ku beegan ayaa waxaa lagu qabtay Muqdisho, taasoo ay kasoo qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan ee dowladda, xildhibanano, mas’uuliyiin ka socday haya’daha caalamiga ah ee ka howlgala Koonfur iyo Bartamaha Somalia SCAC, culummo, dhallinyaro, haween, dadka la nool HIV/ADIS-ka iyo marti-sharaf kale.

Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabiyeen guddiga ka hortagga HIV/AIDS ee SCAC, iyo wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Somalia ayaa waxaa warbixin ka jeediyay guddoomiyaha guddiga SCAC, Axmed Maxamed Jimcaale isagoo si faahfaahsan ugu warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay sannadkii lasoo dhaafay iyo caqabadihii ka hor-yimid, isagoo sheegey in dadka la nool xannuunka HIV ay u baahan yihiin daryeel dheeraad ah, isagoo farta ku fiiqay dowlada federaalka oo uu sheegey inay si aad ah uga gaabisay wax u qabashada dadkaas oo isugu jira haween, carruur iyo dad da’ ah.

Sidoo kale, Jimcaale ayaa intaas ku daray in guddiga uu dajiyay qorashaal la doonayo in wax loogu qabto dadka la nool xanuunkan; qorshahaas oo uu ku sheegay inuu yahay in la waayo dad cusub oo uu ku dhaco xannuunka HIV-ga.

Jimcaale wuxuu xusay in loo baahan yahay in lagu dhaqmo oraahda oranaysa ‘HAKINTA FAAFITAANKA HIV/AIDS WAA QAYB KA MID AH WAARITAANKA IYO HIMI-LOOYINKA HORUMARINEED’, isgaoo dowladda federaalka u soo jeediyay in ay gacan ka geysato sidii ay daryeel u heli lahaayeen dadka la nool xannuunka HIV/AIDS.

Xafladda waxaa kaloo ka hadashay, Nasteexo  Faarax oo ka mid ah dadka HIV/AIDS-ka la nool, iyadoo sheegtay in dowlada federaalka Somalia aysan meel-marin ballan-qaadyo ay hore u sameysay oo ah in la caawiyo dadka la nool xannuunkan, waxay si gaar baaq ugu jeedisay ganacstada shirkadaha, hay’adaha samafalka iyo xildhibaannada baarlamaanka Soamlai inay garab-is-taagaan dadkaas.

Madaxa Agaasinta caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka Somalia qaybteeda xanuunka HIV/AIDS-ka, Sacdiya Cabdisamad ayaa waxay ballan-qaaday in wax laga qaban doono cabashada kasoo yeertey dadka la nool xannuunkaas, gaar ahaan sidii loo daryeeli lahaa. Iyadoo sidoo kale ku boorisay qaybaha bulshada Soomaaliyeed inay u gar-gaaraan dadka la nool xannuunka HIV/AIDS-ka.

Xildhibaan, C/llaahi Cumar Abshirow oo ah xoghayaha guddiga baarlamaanka ee arrimaha bulshada oo isagana halkaas ka hadlay ayaa yiri; “Weli horumarku waa mid gaabis ah, waxaa loo baahana yahay in bulshada ay ka qayb-qaadato sidii gaabiskaas loo dhameystiri lahaa si dadka la nool xannuunka HIV/AIDS-ka ay u helaan daryeel guud maadaama ay yihiin kuwa ugu nugul bulshada.”

Dhanka kale, waxaa munaasabada ka hadashay, Dr. Luul Maxamed oo ururka dhakhaatiirta ka socotay, waxayna sheegtay in caalamka uu dadaal ugu jirto in wax waliba dhameystir-maan sida; ka-hor-tagid, daaweyn, is-baarid, takoorid, waxbarasho iyo cilmi-baaris; taasoo ay sheegtay inay ku imaan karaan in la is-kaashado, gacan weynna la siiyo dadka la nool xannuunka AIDS-ka.

Gunaanadkii waxaa kulanka ka hadashay wasiirada caafimaadka Somalia, Xaawo Xasan Maxamed ayaa u mahad-celisay intii isku soo dubaridday munaasabaddaan, gaar ahaan waxay u mahad-celisey guddiga SCAC oo ay sheegtay inay qabteen hawl muhiim ah.

“Marka la fiiriyo Koonfurta iyo Bartamaha dalka Somalia waxaa la nool xanuunka AIDS-ka dad kor u dhaafaya 15,000 oo qof, waxaa daawo qaata 600-qof, marka weli waxaa jira baahi dhinaca wacyi-gelinta ah sidaa darteed dowladda Somalia waxaa ka  go’an inay wax u qabato dadka la nool xannuunkan.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya