4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2015
SAWIRRO: Boqollaal Ciidanka Jabuuti ah oo laga qaaday Beledweyne & kuwo kale oo lagu bedelay


Talaado, December 01, 2015 (HOL) — Boqolaal ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM oo sanadihii ugu danbeeyay ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa ka dhoofay Beledweyne, halka ay soo gaareen magaalada askar kale oo lagu soo badalay ciidanka dib ugu laabtay dalkooda.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM ayaa ka sugan degmooyinka Beledweyne, Buula-burte iyo Jalalaqsi oo ka wadda tirsan gobolka Hiiraan iyaga oo ciidammada dowladda ee maamulka gobolka  ka gacan siiya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo sugida nabad-galyada deegaanada iyo degmooyinka ay ka howl-galaan.

Isbedelka lagu sameeyay ciidanka wax faahfaahin ah kama aysan bixin saraakiisha Jabuuti, hase ahaatee waxaa la oran karaa waa tallaabo qeyb ka ah is-badalka guud ee inta badan ku dhaca ciidammada AMISOM ee ka howl-gala Soomaaliya.

Ciidamada Jabuuti ee ka howlgalka gobolka Hiiraan ayaa kaga duwan ciidanka kale ee ka tirsan AMISOM ka qayb-qaadashada hormarinta adeegyada bulshada, sida caafimaadka, dib-u-dhiska goobaha danta guud, iyo u samafalka bulshada marka ay jiraan xaalad deg-deg ah.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya