4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2015
Uganda oo sheegtay in ciidankeeda iyo kuwa DF Somalia ay deegaan cusub ka qabsadeen Shabaab


Talaado, December 01, 2015 (HOL) — Uganda ayaa sheegtay inay ciidamadeeda ka tirsan howlgalka AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ay Al-shabaab ka qabsadeen deegaanno cusub oo ku dhow degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka ciidanka Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Cap. Flavia Terimulungi ayaa sheegay inay kala wareegeen Al-shabaab deegaan lagu magacabo Aysoora oo 280-km Koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho.

Sidoo kale, Cap. Terimulungi ayaa yiri. “Weerarkan wuxuu dhacay Sabtidii lasoo dhaafay, waxaana xoogaggii Al-shabaab ee ku sugnaa deegaankaas ay isaga carareen, iyagoo kaga cararay qoysaskoodii.”

Weerarkan ay dowladda Uganda sheegtay inay ciidamadooda iyo kuwa dowladda Somalia ay deegaanka cusub kaga qabsadeen Al-shabaab ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay qaadaan tan iyo markii ay Al-shabaab weerartay saldhigga AMISOM ee deegaanka Jannaale.

Taliyaha ciidamada lugta dalka Uganda, Jen. Katumba Wamala ayaa horay u sheegay inay ciidamadooda qaadi doonaan weerarro ka dhan ah Al-shabaab, kuwaasoo ay ku doonayaan inay deegaanno cusub kaga saaraan kooxda.

Dhanka kale, taliyaha ciidanka Uganda ee howlgalkan qaybta ka ahaa Col. Bob Ogiki ayaa isagana warbixin uu soo saaray kaga hadlay howlgalka, isagoo yiri. ”Qabashada deegaanka Aysoora waa mid qayb ka ah nabadeynta Somalia iyo sidii shacabka ku nool ay si xorriyad ah ugu dhaqdhaqaaqi lahaayeen, waxaana rajeynaynaa in dhawaan aan dadka deegaankaas ku nool aan gaarsiinno gargaar bani'aadamnimo.”

Col. Bob Ogiki ayaa wuxuu intaas ku daray inay qorshaynayaan inay deegaanno kale oo ay Al-shabaab ka taliso oo ka tirsan degmada Baraawe, isagoo xusay in ay howlgalladoodu sii socon doonaan illaa laga nabadeynayo Somalia oo dhan.

Ugu dambeyn, Dalka Uganda ayaa waxaa kaga sugan Somalia 6,600 oo Askari oo qayb ka ah howlgallada Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], iyadoo dhawaan la bedelay guuto ka tirsan ciidamada Uganda oo howlgalkoodii dhameystay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya