4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2015
Kooxda Nusra ee ka dagaalanta dalka Suuriya oo sii-daysay 16-Askari oo u dhashay dalka Lubnaan


Talaado, December 01, 2015 (HOL) — Kooxda An-Nusra oo ka dagaalanta dalka Suuriya, isla markaana xiriir la leh Al-Qaacida ayaa sii daysay maanta 16-askari oo dalka Lubnaan u dhashay, taasoo qeyb ka ah heshiis maxaabiista lagu kala wareegsanayo oo ay fududeysay xukuumadda Qatar.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Lubnaan ayaa warbaahinta wararka wadanka Lubnaan ayaa sheegay inay is-weydaarsiga maxaabiista ay ka socota magaalada Arsal oo ka tirsan dalka Lubnaan oo ku dhow xadka u dhexeeya waddamada Suuriya iyo Lubnaan.

Xoogaga kooxda An-Nusra ayaa 25-askari oo ka tirsan ciidamada dalka Lubnaan waxay ku qafaasheen weerar ka dhacay bishii August ee 2014-kii; magaalada Arsal oo Waqooyi-bari dalka Lubnaan ku taalla.

Sidoo kale, kooxdan ayaa dilay 10 askari intii uu socday weerarka; iyadoo dagaalkaas uu qarxay kaddib markii kooxdan An-Nusra ay ka caroortay nin u dhashay dalka Suuriya oo ka tirsan oo xukuumadda Lubnaan ay xabsiga dhigtay.

Dhanka kale, maxaabiis is-dhaafsigan ayaa wuxuu qayb ka ahaa in xukuumadda Lubnaan ay sii-daysay maxaabiis ka tirsan kooxda An-Nusra, iyagoo kooxdu ay sidoo kale dib ugu celisay Lubnaan meydka askari ay horay u dileen.

Ugu dambeyn, Kooxda An-nusra oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa waxay askartaan gacanta ku hayeen 16-kan askari oo u dhashay dalka Lubnaan in ka badan lix iyo toban bilood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya