4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2015
Puntland oo Gaalkacyo ku saxiixday heshiis lagu xallinayo colaadda ka taagan Magaaladaas


Talaado, December 01, 2015 (HOL) — Wararka maanta laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Puntland ay saxiixday heshiis afar qodob ka kooban oo lagu dhameynayo xiisadaha colaadeed ee tan iyo toddobaadkii hore ka taagnayd magaaladaas.

Heshiiskan ayaa lagu saxiixay kulan ka dhacay xarunta maamulka Puntland ee Gaalkacyo, waxaana goobjoog ka ahaa RW Somalia Cumar C/rashiid Cali, madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Sidoo kale, kulanka waxaa xilli dambe iyagana ku biiray xubno ka socday beesha caalamka oo uu hoggaaminayay ergayga QM ee Somalia, Nicholas Kay, kuwaas oo ay ka mid ahaa ergayga ka socday Midowga Afrika, ergayga Midowga Yurub ee Somalia iyo danjiraha Britain ee Somalia.

Qodobbada heshiiskan oo uu Puntland u saxiixay C/weli Gaas ayaa kala ahaa;

1. In dhammaan xabbadda iyo dhammaan muuqaallada colaadeed la joojiyo
2. In Ciidamada is-hor-fadhiya la kala Qaado
3. In dadkii magaalada ka barakacay lasoo celiyo
4. In la dhiso guddi kawada hadla colaadihii Gaalkacyo ka dhacay.

Afartaan qodob ee ay maanta saxiixday Puntland ayaa waxaa horay shalay iyana u saxiixay maamulka Puntland, waxaana la filayaa in labada dhinac ay Gaalkacyo uga dhawaaqaan baaq nabadeed oo ay ku sheegayaan in colaaddii magaaladaas ka taagnayd ay joogsatay wixii maanta ka dambeeya.

RW Sharma'arke oo shalay ka hadlayay Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay inay ka go’an tahay in magaalada Gaalkacyo nabad lagu soo dabaalo, isagoo xusay inay fulinta dhismaha guddiga maamullada dalka ka jira iyo dowladda Somalia ee xiisaddan lagu dhameynayo ay billaabayaan marka labada dhinac ay si wadajira ah ugu dhawaaqaan baaq nabadeed.

Ugu dambeyn, dadaallada nabadeed ee ka socda magaalada Gaalkacyo ee ay hormuudka u tahay dowladda federaalka Somali; qaybtana ka yihiin maamullada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa haatan u muuqdaan inay ku biirtay Beesha Caalamka si looga miro-dhaliyo dadaalladan nabadeed.

Wixii warar ah ee kusoo kordha xalaadda magaalada Gaalkacyo iyo dadaallada ka socda waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya