4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2015
SAWIRRO: Taliyaha Booliska Somalia oo xalay la kulmay Bulshada ku Nool Gobolka Minnesota


Talaado, December 01, 2015 (HOL) — Taliyaha booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wafdi wuu hoggaaminayo oo maalmahaan booqasho ku joogay dalka Maraykanka ayaa xalay la kulmay bulshada ku nool gobolka Minnesota, kuwaas oo isagu jiray Soomaalida ku nool gobolka MN, ciidamada booliiska ee magaalooyinka kala duwan ee gobolkan, waxaana kulanku uu ka dhacay xarunta shirarka ee Safari Hall ayaa ahaa mid uu taliyahu ugu warbixinayay xaaladaha ay ku shaqeeyaan booliiska Somalia.

Jan. Xaamud ayaa sheegay inuu Isniintii shalay ahayd la kulmay taliyeyaal kala duwan oo booliiska gobolka Minneosta ka tirsan, wuxuuna raaciyay intaas inay ujeeddadu ahayd sidii ay wax ula qabtaan booliiska Somalia haday noqon lahayd xagga tababarada & qalabeynta, isagoo xusay in kulammadaas ay ku soo dhammaadeen guul.

Sidoo kale, taliyaha booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inuu la kulmay Cabdi Warsame oo ah xubnaha maamula magaalada Minneapolis, isagoo xusay inay kawada hadleen arrimo badan, wuxuuna uga mahadceliyay sida uu ugu soo dhaweeyay xarunta magaalada MPLS.



Waxaa kaloo kulankii xalay lagu daawaday filim ka hadlayay heerka tababarrada ciidanka booliiska Somalia, kaasoo dadkii daawaday ay aad ugu riyaaqeen tababarrada kala duwan ee ay qaadanayaan boooliiska Soomaaliyeed; sida ka hor-tagga qaraxyada, danbi barista iyo qayb kale oo badan.

Dhanka kale, waxaa kulanka ka hadlay taliyaha isu-gudubka gaadiidka ee magaalooyinka gobolka Minnesota (Metro Transit Police), John Harrington kasoo ka sheekeeyay safar uu dhawaan ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia, halkaasoo uu sheegay inuu kula kulmay madaxda Soomaaliyeed.

John Harrington wuxuu sidoo kale xusay inuu ka qaybgalay qalin-jabinta ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya, isagoo sheegay inuu aad uga soo halay sida aadka u qurux badan ee ay ciidamada Soomaaliya tababarrada u qaataan.

Ugu dabeyn, kulankii xalay ayaa jawi farxadeed kusoo dhamaaday, iyadoo xalay cimiladu ay aheed mid aad u qabow baraf badanna uu da’aayay, iyadoo gaba-gabadii xafladda ay sawirro wada-galeen ciidamadda booliiska ee Soomaalida ah oo ka howlgala labadda dal ee Somalia iyo Maraykanka.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
siyad@hiiraan.com
Minneapolis, Minnesota