4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2015
Mareykanka oo Xayiraad Safarka ah kusoo rogay xubno Kenyan ah oo ku eedeysan Musuq-maasuq


Talaado, December 01, 2015 (HOL) — Xukuumadda Mareykanka ayaa shaacisay inaysan u ogolaanayn dal-ku-galka ama Visaha Mareykanka lagu aado mas'uuliyiin sare oo ka mid ah dowladda Kenya, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin musuq-maasuqa ka jiro Kenya.

Safiirka Mareykanka u fadhiyo waddanka Kenya Robert Godec, ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay kusoo rogtay xayiraad dhanka safarka ah mas'uuliyiinta sare ee loo haysto inay ku lug leeyihiin eedeymaha la xiriira musuq-maasuqa Kenya.

Danjiraha ayaa wuxuu shaaciyay inuu jiro liiska saraakiishaas looga mamnuucay inay u safraan wadanka mareykanka. isagoo sidoo kale ka gaabsaday inuu magacyada ama tirada rasmiga ah ee mas;uuliyiinta ay xayiraadda saareen soo bandhigo, wuxuuna ku sheegay in ay ahayd mid qarsoodi ah.

Xayiraaddaan, ayaa timid maalmo kaddib markii baadariga madhabta katooligga ee diinta masiixiga, Pope Francis oo booqasho ku yimid Kenya 25-kii bishii aynu kasoo gudbunay uu ugu baaqay shacabka iyo mas'uuliyiinta Kenya inay ka fogaadaan musuqmaasuqa oo uu ku tilmaamay inuu yahay waddamada dhimashada.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa horay wuxuu u shaaciyay inay la dagaallami doonaan musuq-maasuqa lagu eedeyay inay ku lug leeyihiin xubno sar sare oo ka ka tirsan xukuumaddisa, waxayna ahayd dhawaan markii xilka wasiirada howlaha baahinta awoodda Kenya Anne Waiguru ay iska casishay, kaddib markii lagu eedeeyay inay lacago aad u fara badan lunsatay.

Dhanka kale, Charity Ngilu oo horay shaqada looga joojiyay ahaydna wasiiraddii dhulka, guriyeeynta iyo horumarinta magaalooyinka ayaa ka mid ah mas'uuliyiinta Keenyaanka ah ee lagu eedeyay inay ku lug leeyihiin musuq-maasuqa baahsan ee ka jira dalka Kenya.

Ugu dambeyn, warbaahinta Kenya qaarkood ayaa maanta qoray in xubno sar-sare oo ay ka mid yihiin shan wasiir, soddon xildhibaan iyo xog-hayayaal maamul ay ka mid yihiin 173-qof oo laga mamnuucay in ay u safraan waddanka Mareykanka sababo la xiriira in looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin fadeexadda musuq-maasuq ka jira Kenya.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya