4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2015
Tababar ciyaaro kala duwan ah oo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Atlanta, Georgia (SAWIRO)


Talaado, December 01, 2015 (HOL) — Waxaa lagu soo gunaanaday magaalada Atlanta ee gobolka Georgia ee Mareykanka tartankii cayaaraha ee la qabto todobaadka thanks giving-ka, kaasoo ay isku arkaan Soomaali badan oo isugu jira; waayeel, dhallinyaro iyo caruur.

Cayaarahan oo ka kooban kubadda cagta iyo kubadda koleyga ayaa la billaabay sannadkii 1999-kii; iyadoo mar kasta la qabto marka xilligan oo kale la gaaro sannadwalba.

Marka laga hadlayo kubadda cagta ayaa sannadkan waxaa isku arkey kooxo ka kala yimid gobollada Ohio, Minnesota, Washington/Virginia, North- Carolina iyo kooxo ka socday magaalada marti-galisay cayaaraha ee Atlanta. Iyadoo Ujeedka tartanka uu ahaa inay isku arkaan caruurta da’doodu ka yar tahay 14-jirka (U14), waxaan iyaduna ka maqnayn in tartankan ku hardamaan rag odayaal ah oo magac iyo maamuus ku leh taariikhda isboortiga Somalia xilligii hore.

Gunaanadkii tartanka waxaa isagu soo haray dhallinta da’doodu ka yar tahay 14-ka sano oo kala ahaa; koox ka socotay Minneapolis iyo koox ka socotay gobolka Ohio, ciyaar xiiso badan kaddib, waxay guushii ku raacdey 5 gool iyo 3 gool kooxdii ku ciyaaraysay dhallinta Ohio.

Dhanka odayaasha iyaguna waxaa isugu soo baxay koox ka socotay North-Carolina iyo  koox ka socotay Ohio, iyaduna waxaa halkaas 4 gool iyo 3 gool ay guushii ku raacdey kooxdii ka socotay North-Carolina.

Xaga Basket-ball-ka waxaa ciyaar xiiso badani dhexmartay cayaartooydii hore ee kubadda koleyga koox mataleysay reer Minneapolis oo ay ka dhex-muuqdeen cayaaryahan Shiikha iyo Madaxeey; iyagoo fooda-daray koox mataleysay Atlanta oo ay ka dhex-muuqdeen cayaaryahan Axmed Daahir iyo Abuukar Shiino, iyadoo ugu dambeyn ay guushu raacday kooxdii ku ciyaarysay magaca Atlanta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya