4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2015
Qof ku dhintay iyo 20 ku dhaawacmay Howlgal tijaabo ahaa oo ka dhacay jaamacada Strathmore


Talaado, December 01, 2015 (HOL) — Qof ka mid ahaa howl-wadeenada Jaamacadda Strathmore ayaa ku geeriyooday in ka badan labaatan Ardayna wey ku dhaawacmeen howl-gal mala’awaal ahaa oo shalay galinkii dambe ka dhacay Jaamacada Strathmore ee ku taalo Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Howlgalka oo ahaa mid qarsoodi ah, ayaa lagu sheegay inuu ahaa tijaabo lagu ogaanaayay sidii ay ardaydu oga jawaab celin lahaayeen haddii Jaamacaddaas uu ka dhaco weerar argagixiso, iyadoo ciidamada ammaanka Kenya ay fuliyeen howl-galkaas xilli qofna aanan loo sii sheegin.

Japheth Koome oo ah Taliyaha ciidamada Booliska ee gobolka Nairobi, ayaa howl-galkaas ku sheegay inuu ahaa mid sharciga waafaqsan oo lagu eegayay feejignaanta ardayda tirada badan ee Jaamacadaas wax ka barato.

Dhank kale qofka geeriyooday oo ahaa gabar dhanka nadaafada ka shaqeyneysay, ayaa wakhtigii ay geeriyooneysay waxaa ka jiray dhismaha jaamacadaas is-buurasho xoogan madaama ardaydu ay ku saseen dhawaqa rasaasta ay Ciidamada ammaanku kor u rideen.



Qaar kamid ah ardayda, ayaa la sheegay iney iska soo tureen dabaqyada afaraad iyo midka Shanaad ee dhismaha jaamacada oo ku yaallo agagaarka xaafadda Lang’ata ee magaalada Nairobi, halka kuwa kalana ay isku qariyeen Musqulasha jaamacadda.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee dalka Kenya, ayaa sheegtay in dhacdadaas kadib ay ardaydii dhaawacantay ula cararay qaar kamid ah Isbitaalada ku yaallo magaalada Nairobi oo ay ka mid yihiin Nairobi West iyo Mater Hospital si gar-gaar caafimaad loogu fidiyo.

Goob-joogayaal, ayaa iyaguna sheegay in ciidamada ammaanka gaar ahaan booliiska Bir-madka ee loo yaqaano AP-da (Administration Police) ay si kadis ah u galeen jaamacada iyagoo iska dhigaayay koox soo weerartay, waxeyna kor u tureen rasaas nool-nool oo ay damacsanayeen inay ku baqdin galiyaan ardayda, Macallimiintooda iyo weliba Maamulka jaamacada oo aanan horay loogu sii war galinin howl-galkaas tijaabada ahaa.

Shacabka Kenya, ayaa siyaabo kala duwan oga hadlay howl-galkaas mala’awaalka ahaa ee laga kor fuliyay arday waxbarashadoodii ku jiro, xilli aanan sidoo kalena lagu war-galin ciidamada booliska ee saldhiga ku leh aaga ay jaamacadaas ku taallo.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya