Maamulka Nugaal ee Puntland oo ka Warbixiyay Markab Ganacsi oo ku Cilladoobay Xeebaha Eyl
Jimco, Ogoosto 07, 2015 (HOL) — Markab Ganacsi ah oo kusii jeeday Dalka Kenya ayaa la sheegay in maalintii sedexaad uu ku xaniban-yahay xeebaha gobolka Nugaal ee Puntland ka dib cilad ka haleeshay dhinaca matoorka.
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, C/casiis Ciise Aw-Aadan ayaa sheegay in Deegaanka Gaalo-ood oo ah halku uu ku ciladoobay markabkan loo diray ciidamo ka tirsan Puntland si ay gurmad ugu fidiyaan shaqaalaha dushiisa saaran.
“Markabkan waxa uu yaala xeebta waa uu soo caariyay ,waxaa uu hadda ku jiraa meel ciid ah oo ay adagtahay in laga soo saaro “ ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Nugaal oo sheegay in Markabkan aysan ka muuqan wax dalool ah
“Ciidamada halkaa gaaray oo uu ku jiro gudoomiyaha degmada Eyl ayaa markabka dusha ka waardiyaynaya waxaana la qorshaynayaa in la soo bad-baadiyo shaqaalaha saaran“ ayuu mar kale yiri masuulkan oo warbaahinta la hadlay.
Waxaa kaloo gudoomiyaha gobolka Nugaal uu sheegay in Markabkan uu dhowr jeer oo hore badeecyooyin keenay deegaanada Puntland, mana uu sheegin shaqaalaha saaran markabka iyo wadamada ay ka soo kala jeedaan.
Ugu dambayn, maanta oo Jimco ah ayaa la Sheegay in Dibadda la keenay 20-ka mid ah shaqaalaha saarnaa markabkaas ,waxaana maamulka degmada Eyl uu sheegay in ay ka hortagayaan cid kasta oo isku dayda in ay la dagto badeecadaha saaran markabka.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]