4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2015
Muran ka Taagan Halka lagu Qabanayo Shirka Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo SH. Dhexe


Arbaco, Ogoosto 05, 2015 (HOL) — Durbaba waxaa soo if-baxaya khilaaf iyo is-qab-qabsi ka dhashay halka laga dhigayo Gogosha dhismaha maamulka Gobollada Sabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax ayaa dhawaan Sheegay in shirka dhismaha maamulka labada Gobol uu ka furmi doono Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, Bulshadana looga baahan yahay inay u Diyaar-garoobaan marti-galinta Shirweynahaas.

Hase ahaatee, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, Cabdi Jiinoow Calasow oo Warbaahinta la hadllay ayaa ku gacan-seyray hadalka kasoo yeeray Guddoomiye Afrax, isagoo xusay in cid gaar ah aysan go'aan ka gaari karin halka la dhigayo gogosha dhismaha maamulka labada gobol.

Marka la eego Hadallada Iska-hor-imanaya ee Labada Mas'uul ayaa Muujinaya in Durbaba jiri karaan Caqabado ka abuuri kara Magaalada Marti-galinaysa Shir-weynahan, Madaama Siyaasiyiinta labada gobol arrintaa siweyn isugu Maan-dhaafsan yihiin.

Illaa hadda ma jiro go'aan cad oo ay shaacisan dowladda oo ku aadan halka la qorsheeyay in gogosha la dhigo, hasse ahaatee maalmaha soo socda ayaa la fillayaa in ay bilaawdeen wada-xaajoodyo saddex geesood ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo mas'uuliyiinta labada gobol, si markaa loogu lafa-guro billowga qorshaha dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Caqabadaha ugu Waa-weyn ee ka hor-imaan kara Dowladda FS ayaa la leeyahay waxaa ka mid go'aan ka gaarista magaalada marti-galin doonta Shirka, halka loo aqoosanayo xarunta Rasmiga ah Maamul-gobolleedkaan iyo sida loo Wadaagayo maamulka, madaama beellaha wadda dega labada gobol arrintan si gaar ah isha ugu wadda hayaan.

Laakiiin haddana marka aad dhinaca kale eegto waxaa jira fursado dowladda ku caawinaya in markiiba ay maaro u hesho khilaafkaadka laga yaabo in meelaha qaar ay kasoo ifbaxaan, madaama aysan jirin hogaamiye kooxeedyo ama ururo kale oo ka madax-banaan dowladda oo saameyn ku leh labada gobol.

Maalmaha soo socda ayaa isha lagu wada-hayaan sida ay Dowladda Soomaaliya u wajihi doonto billowga Qorshaha dhismaha Maamulka labada Gobol oo ka harsan Dhameystirka Nidaamka Federaalka ah marka laga soo tago Gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya