4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2015
Wasiirka Amniga oo Tababbar u Furay Ciidamo ka Tirsan Booliska Somalia (SAWIRRO)


Arbaco, Ogoosto 05, 2015 (HOL) — Ciidammo ka Tirsan Booliiska Somalia ayaa maanta tababar loogu furay Dugsiga Jen. Kaahiye ee Magaalada Muqdisho, iyadoo tababarkan uu u furay Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed.

Tababarkan oo ay si Wadajir ah u soo Qaban-qaabiyeen Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliiska Somalia ayaa loo furay 130-Askari, kuwasoo ka howl-geli doona Qaar ka mid ah Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan Magaalooyinkii dhawaan laga saaray Al-shabaab.

Furitaankii Tababarka ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, taliyaha booliiska Somalia, Taliyaha Asluubta, Taliyaha Booliiska AMISOM iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Booliiska Somalia.

Taliyaha Booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay inuu ku Dadaali doono Tayeynta Booliiska Somalia, isla markaana Sare loo Qaadi doono Aqoonta ciidanka Booliiska.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay isaguna Muhiimadda uu leeyahay Tababbarka, isagoo hoosta ka Xariiqay in Tababarrada Noocan oo kale ah ay wax-weyn ka Tarayaan Sugidda Amaanka Guud ee Dalka.

Ugu dambeyn, Ciidamada Maanta Tababarka loo Furay ayaa isugu jiray Rag iyo Haween, iyadoo Tababarkoodu uu socon doono muddo Toddobaadyo ah, iyadoo Xubnihii la hadlay ay ku boorriyeen inay tababarka ka faa’iideystaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya