4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2015
Maamulka Gobolka Bakool oo Sheegtay inay isku soo dhiibeen Xoogag kasoo Goostay Al-shabaab


Arbaco, Ogoosto 05, 2015 (HOL) — Maamulka Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Bakool ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen in ku dhow 100 ruux oo isugu jiray xoogag ka tirsanaa Al-shabaab iyo dad iyaga Taageersanaa.

Arrintan ayaa Imaanaysa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Ciidanka Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ay ka wadeen tuulooyin hoos-yimaadda Gobolka Bakool howlgallo iyo duqeymo diyaaradeed.

Taliyaha Guutada Sideedaad ee ciidanka Millateriga Soomaaliya ee Gobolka Bakool, Col. C/raxmaan Maxamed Cusmaan (Tima-cadde) oo Warramayay VOA-da ayaa sheegay inay Howlgalladii ciidamadu ka sameeyeen Gobolka Bakool ay Al-shabaab kaga qabsadeen 15-tuulo oo ka tirsan Bakool.

“Waxaa ka mid ah Tuulooyinka aanu Al-shabaab kala Wareegnay, Garas-weyne, Mooro-gaabey iyo Kulan-jareer, waxayna ahaayeen tuulooyin ay Al-shabaab ku dhuumanayeen,” ayuu yiri Col. C/raxmaan Tima-cadde.

Sidoo kale, Taliyaha oo la Weydiiyay Su’aal ku saabsan duqeyn ay Diyaaradaha dagaal ee gacanta siinaya AMISOM ka geysteen Dorraad deegaanka Dalan-doon iyo khasaaraha ka dhashay ayuu ku jawaabay.

“Haa… way jirtaa duqeynta. Deegaankaas Waxaa Kulan ku lahaa Saraakiisha Al-shabaab, markii shirku u dhamaaday ayaan ka warhelay, waana la duqeeyay. Waxaana halkaas looga dilay 40-qof, Waxaanan looga gubay Shan Gaari, Labana waa laga Qabsaday, sidoo kalena waxaan ka furannay 26-qori oo kuwa fudud ah.”

Col. Tima-cadde ayaa intaas ku daray in Howlgallada laga sameeyay Bakool ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM].

Taliyaha ayaa gaashaanka u daruuray su’aal la weydiiyay oo ahayd waxa ka jira inay dadka tuulooyinka ku nool ay hubeeyeen ayna ku khasbeen inay dagaalka galaan, isagoo sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan jirin.

“Wararkaas waa been-abuur, ma jiro shacab aan hubeynay oo aan dagaalka khasab ku gala niri… innagu Waxaan doonaynaa inaan hubka kasoo qaadno dadka shacabka ah si gacanta ciidamada uu u soo galo, Suuro-galna nagama noqonayso in shacab aan hubeynno,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, mar la Weydiiyay Col. Tima-cadde Wararka ku Saabsan Xoogag ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay ayuu ku Jawaabay. “Haa… Arrintaas way jirtaa… Waana arrinta aan haatan u joogno deegaanka Garas-weyne, Halkaasoo ay ku sugan yihiin rag ka tirsan Al-shabaab iyo odayaal u qidmeyn jiray oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya, waana la kulmaynaa, Waxaana ka mid ah oday lagu Magacaabo, Cali Rooble oo Gobolka Bakool si aad ah looga yaqaanno.”

Col. Tima-cadde ayaa intaas raaciyay in xubnaha ay doonayaan inay la kulmaan ee isi soo dhiibay ay gaarayso illaa 120-qof, waxaana ku jira ganacsato taageeri jiray, Qorshaheenuna waa inaanan wax dhibaato ah loo geysan dadkan isi soo dhiibay, kuwa kale Al-shabaab ka tirsanna ay ugu baaqayaan inay isi soo dhiibaan.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa beeniyay in howlgallada ay kawadaan Bakool ay ku dhinteen dad shacab ah, isagoo sheegay in wararkaas ay yihiin xubno Al-shabaab ka tirsan iyo kuwo Taageersan.

Si kasta oo ay tahay, Col. C/raxmaan Tima-caddey ayaa sheegay inay socdaan Qorshayaal ay ku Doonayaan inay Dadkii ka Barakacay Tuulooyinkaas dib ugu soo laabtaan, isagoo xusay inay la socdaan xubno ka tirsan Hay'adda ICRC iyo Hay’ado kale oo Samafal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya