4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2015
Xubnaha Baarlamaanka FS oo Maanta ka dooday Siyaasadda lagu Jiheynayo Geeddi-socodka 2016


Arbaco, Ogoosto 05, 2015 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho kaga hadlay siyaasadda ugu Wanaagsan ee lagu jiheyn karo Hannaanka Geeddi-socodka Sannadka 2016-ka ee nagu soo Wajahan.

Furitaankii kulanka baarlamaanka ayaa xildhibaannada loogu akhriyay qoraal ka soo baxay Xafiiska Hab-dhowrka Baarlamaanka Soomaliya, kaasoo lagu joojiyay in fasaxyo la siiyo Xildhibaannada Muddada ka harsan Xiritaanka Kal-fadhiga Lixaad ee Baarlamaanka FS, Waxaana Xildhibaannada u akhriyay Qoraalka Xoghayaha guud ee Baarlamaanka, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Akhrinta kaddib ayay Xildhibaannadu Gudo-galeen Dhageysiga Warbixin uu Guddiga u qaabilsan baarlamaanka u qaabilsan kasoo Talo-bixinta Siyaasadda ugu haboon ee Jiheynta Geeddi 2016-ka, oo uu kasoo diyaariyay Shirkii Hiigsiga ee Muqdisho lagu qabtay 29-kii illaa 30-kii bishii hore ee July, Waxaana Warbixinta u Akhriyay Xildhibaannada Xildibaan C/risaaq Cusmaan Jurille, iyadoo guddigu ay Warbixintooda kusoo dareen tallooyin ay u soo jeedinayeen Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa Warbixinta kaddib billaabay inay ka doodaan Siyaasadda ugu habboon ee loo jiheyn karo Geeddi-socodka Sannadka 2016-ka, Waxayna Mudanayaasha Qaarkood Muujiyeen inay lagama-maarmaan tahay in la Hhelo Wada-tashi ballaaran oo la xiriira nooca doorashada dalka ka dhacaysa marka la gaaro Sannadka 2016-ka.

Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar oo ayaa Gabagabadii Xildhibaannada ku War-geliyay inay Sabtida ah soo socota u Diyaar-garoobaan Akhirntii Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka.

Ugu dambeyn, Baarlamaanka Somalia ayaa ka mid ah Hay’adaha Dasuuriga ah ee hadda jira,kuwaasoo looga fadhiyo inay tallooyin ka yeeshaan sida dalka ay doorasho uga dhici lahayd marka la gaaro Sannadka 2016-ka.

Si kasta ha ahaatee, Doodda Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa Waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan ay Madaxda Dalku Sheegeen inaysan Dalka ka dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah, lagana Tashado sidii ay Dalka Doorasho uga dhici lahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya