4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2015
Qoxooti Soomaaliyeed oo Iskood uga soo laabtay Kenya oo laga soo dajiyay Magaalada Muqdisho


Arbaco, Ogoosto 05, 2015 (HOL) — Qoxooti tiradoodu gaaraysay 116 qof oo ka mid ahaa Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku noolaa dalka Kenya ayaa maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdihso, kuwaasoo si iskood ah u dalbaday in lagu celiyo dalkooda.

Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa xustay in qoxootigan ay ka mid ahaayeen kuwa ku jiray xeryaha Dhadhaab-Kenya, Halkaasoo ay haatan ku jiraan Qoxooti Tiradoodu gaarayso 333,000 oo Qoxooti Soomaaliyeed ah.

Sidoo kale, UNHCR ayaa intaa raacisay in Qoxootigan ay laba diyaaradood kasoo qaadeen Kenya, ayna tani qayb ka tahay heshiiskii dib u celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool oo ay u kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qoxootiga Adduunka.

Guddiga saddexda dhinac ayaa kulmay 29-kii bishii July, iyagoo isku raacay in Qoxootiga doonaya in ay si iskood ah dib ugu laabtaan Waddankooda la Caawiyo. Iyadoo Heshiiskii Saddex-geesoodka ahaa uu dhigayay in la Caawiyo Qoxootiga doonaya inay Dalkooda ku laabtaan shanta sano ee soo socda.

Tan iyo Bishii December 2014-kii illaa Ogoosto 2015-ka ayay UNCHR Sheegtay inay si iskood ah Soomaaliya ugu laabteen Qoxooti gaaray 2,969-ruux, kuwaasoo qaar ka mid ah lagu celiyay degmooyinka Luuq, Baydhabo iyo Kismaayo oo ku yaalla Koonfurta Somalia.

“Dib u celinta Qoxootigan ayaa imaanaysa iyadoo xaaladda Ammaan ee Soomaaliya ay is-bedeshay Sannadihii lasoo dhaafay, meelihii ay inta badan Qoxootigan kasoo barakaceen,” ayaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda UNCHR.

Dhanka kale, UNHCR ayaa intaas ku dartay. “Waxaan Qoxootigan ka caawinnay; dhanka dhaqaalaha si ay iyagoo nabad-qaba dalkooda ugu laabtaan. Iyadoo lagu qaaday diyaarado si deegaannooda loo gaarsiiyo.”

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNCHR ayay ku xustay in Qoxootigan lagu Celinayo Goobo ay ka mid yihiin; Muqdisho, Afgooye, Balcad, Jowhar, Wanlaweyn, Beledweyne, Luuq, Baydhabo iyo Kismaayo, halkaasoo ay ka helayaan sida ay sheegtay shaqooyin iyo sidoo kale Caafimaad, Waxyaabaha iyo gabi ahaan Waxyabaaha Aasaaska u ah nolosha Bani’aadamka.

“Somalia, Kenya iyo UNCHR waxay dadaal xooggan ugu jiraan sidii Qoxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab-Kenya oo ah kuwa ugu weyn Dunida ay Caalamka taageero uga heli lahaayeen, si loo maareeyo nolosha Qoxootiga,” ayay mar kale tiri UNHCR.

Hay’adda ayaa War-saxaafadeedkeeda ku Xustay in sidoo kale ay Xoogga saarayaan sidii ay Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab-Kenya loogu Abuuri lahaa Mashaariic ay ku maareeyaan noloshooda iyo sidii Somalia looga dhigi lahaa meel xasilloon oo ay ammaan ku heli karaan Qoxootiga iskood uga laabanaya Kenya.

Ugu dambeyn, Qoxootiga Soomaaliyeed ee iskood uga soo laabtay Kenya oo ka soo dagay maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kuwii ugu tirada badnaa ee kusoo laabta dalkooda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya