4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2015
Itoobiya oo Xukuno kala duwan ku Riday Xubno Guddiga Muslimiinta dalkaas ka tirsan iyo Suxufi


Arbaco, Ogoosto 05, 2015 (HOL) — Maxkamad ku taalla Wadanka Itoobiya ayaa ku riday Xukunno Xabsi dheer ah Isniintii Afar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Mulsimiinta dalkaas, Wariye iyo 13-qof oo kale oo ay ku eedeysay kicin Shacab iyo Argagaxisonimo.

Dhamaan dadkan la xukumay oo Muslimiin ah ayaa waxay saddexii sano ee lasoo dhaafay ku jireen xabsiga, iyadoo la sheegay in Maxkamaddu ay dambiyada lagu soo eedeeyay ku heshay horraantii bishii lasoo dhaafay ee July.

Xubnahan ka tirsan Muslimiinta Itoobiya ee la xukumay ayaa lagu kala magacaabaa; Uztaz Abubeker Ahmed, Ahemedin Jebel, Yasin Nuru iyo Kemil Shemsu, iyadoo la sheegay in ka tirsanaayeen Guddiga Xallinta Khilaafadka Muslimiinta Dalka Itoobiya; waxaana lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen rabshado iyo falal argagaxiso oo ka dhacay dalkaas, iyadoo lagu xukumay midkiiba 22- sano oo xabsi ah.

Guddiga xallinta khilaafaadka Muslimiinta dalka Itoobiya ayaa loo sameeyay si ay xal uga Gaaraan khilaafaadyo soo Laa-laabtay oo u dhexeeya Xukuumadda Itoobiya iyo Bulshada Muslimka ah ee ku nool Waddankaas.

Sidoo kale, Shan ka mid ah dadkan ayaa lagu xukumay xabsi min 18-sanadood ah, halka shan kalena lagu xukumay min 15-sano oo xabsi ah, iyadoo afar qof oo kale oo uu ku jiro ruux wariye iyagana lagu xukumay min Toddoba sano oo xabsi ah.

Ugu dambeyn, Dadkan ayaa la xiray sannadkii 2012-kii, iyadoo ay soo xireen ciidamada la dagaalanka Argagaxisada dalka Itoobiya, iyadoo xukunkooda uu imaanayo iyadoo Itoobiya lagu eedeeyay inay si weyn ugu xad-gudbaan Xuquuqda Aadanaha.

Si kasta oo ay tahay, Xukuumadda Itoobiya ayaa lgau eedeeyaa inay gacan bir ah ku qabto Suxufiyiinta iyo dadka u dooda Xuquuqda Adanaha, taasoo Barack Obama oo dhawaan ku tagay dalkaas booqasho uu sheegay inay dhaawacayso Dimuqraadiyadda Itoobiya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya