4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2015
Maamulka Puntland oo uga digtay Baarlamaanka Federaalka Somalia inuu Ansixiyo Sharciga Shidaalka


Arbaco, Ogoosto 05, 2015 (HOL) — Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland ayaa ka digtay in la meel-mariyo Sharciga Shidaalka oo dhawaan la hor-geeyay Baarlamaanka FS, kaasoo ay sheegeen in loo marayo waddo qaldan.

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland oo uu ku saxiixnaa Madaxa Hay'adda kuna Saxiixnaa, Ciise Maxamud Faarax Dholowaa ayaa lagu sheegay in maamul ahaan aysan marnaba raali ka ahayn in sharcigaasi la meel mariyo.

“Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka ee Puntland waxay og-tahay in sharcigaan cusub ee Qabyada ah ay gadaal ka riixaayaan Shirkado Shisheeye, sida SOMA OIL & GAS iyo kuwo la halmaala oo doonaya inay si sharci-darro ah ku qaataan heshiisyo cusub, ama la isku-dayo in lagu xalaaleeyo heshiisyadkii hor,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Puntland.

Sidoo kale, waxay Hay’addan Shidaalka Puntland ayaa sheegtay in Dastuurka KMG ah uu ka hor-imaanayo Qodobka ah in baarlamaanka uu ka hadlo arrinta ku aaddan Shidaalka ama Sharcigaasi la meel-mariyo.

“Dastuurka KMG ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la sameeyey 2012kii ma siin dowladda Soomaaliyeed iyo Barlaamaanka Federaalka Awood sharci oo ay ku sameeyaan shuruuc khuseysa arrimaha khayraadkada dabiiciga ah, ama Shidaalka iyo Macdanta Somalia. Waxayna taasi ku caddahay Qodobada 45-aad iyo kan 55-aad ee Axdiga KMG ah ee Jamhuriyada Federaalka Somaliyeed,” ayaa mar kale lagu yiri War-saxaafadeedka Puntland

Ugu dambeyn, waxaa warka Puntland lagu xusay in Baarlamaanka Federaalka Somalia uu ka fiirso Sharciga hor-yaalla oo ay sheegeen in laga yaabo dhibaato badan inuu keeno.

Si kasta oo ay tahay, War-saxaafadeedka Puntland ayaa kusoo beegamaya xilli dowladda Britain ay sheegtay inay baaritaanno ku sameynayso shirkadda SOMA OIL & GAS, taasoo la sheegay inay laago laashuush ay siisay Mas’uuliyiin ka mid ah Xukuumadda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya