4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2015
Ergadda Nabadeynta Darkayn-Geenyo oo ku Guulaystay inay kala raraan Ciidammo is-horfadhiyay


Arbaco, Ogoosto 05, 2015 (HOL) — Ergada Nabadeynta Dharkayn-Geenyo ayaa Gellinkii dambe ee shalay ku Guulaysatay inay raraan ciidamada beel ka mid ah Beelihii Xur-guf ku dhexmartay Magaaladaas oo 90-KM kaga Aaddan Galbeedka Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.

Kulan ballaaran oo  ujeeddkiisu ahaa hubtina in kala Qaaday Ciidamadan ayaa  ka dhacday duleedka Tuulada Saax-dheer, kaasoo ay ka Qayb-galeen Ergada dhex-dhexaadinta ee uu Hoggaaminayeen, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Garaad Jamac Garaad Cali, Cuqaasha iyo Odayasha deegaanka Saax-dheer, waxaana halkaas laga jeediyay khudbado kala duwan.

Cali Maxamed Ciise Yool iyo Cali Xirsi Cawl oo ku hadlayay afhayeennimo ayaa sheegey in Bulshada deegaanka Saax-dheer ay si dhameystiran ciidmadooda uga rareen halka ay ku sugnaayeen, diyaarna u yihiin nabad dhameystiran.

Sidoo kale, Garaad C/risaaq Garaad Soofe iyo Suldaan Cali Sh. Axmed oo dhanka Ergada Dhexdhexaadinta u hadlayay ayaa iyaguna goobta ka caddeeyay in beeshaasi ay soo rareen ciidammadii ka joogay duleedka Dharkayn-Geenyo ayna uga mahad-celiyay, waxaay sidoo kale caddeeyee in dhanka kalena ay u yihiin diyaar nabada, waxaa dhimana ay ku hawlana yihiin sida ugu dhaqsaha badan.

Gunaadadkii kulankan ayaa waxaa Halkaasi ka Hadlayay, Garaad Jamac Garaad Cali oo u Mahadceliyay ergayada ku hawlan dhex-dhexaadinta, isagoo dhanka kalena labada beelood ee Walaalaha ah ugu baaqay inay Nabad iyo Sharaf ku Wada-nooladaan.

Ugu dambeyn, Colaadda u dhaxaysa labada dhinac ayaa ah mid in badan soo laalaabtay noqonaysay, hase ahaatee mar kasta la isku dayayay in la dhamaystiro lana soo xaaro sababaha keenaya.

seynab Abdi Warsam, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Soomaaliya