4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 5 , 2015
XIL. DALXA: Waa in sharciga dalka loo maro dhismaha Maamulka Shabeellada Dhexe Iyo Hiiraan


Arbaco, Ogoosto 05, 2015 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in sida uu qabo sharciga dalka u yaalla loo maro hanananka dhismaha maamulka loo dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Prof. Dalxa ayaa Xusay in Dowladda Federaalka Somalia looga baahan yahay inay dhex-dhexaad ka ahaato dhismaha maamulkaas, isla markaana aysan dhicin in lagu eedeeyo inay dhan u janjeersatay.

“Maamulka loo sameynayo Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan waa in loo maro Waddada Sharciga ah. Dowladdana waa inay dhex-dhexaad ka noqotaa dhismaha maamulkaas oo aan lagu eedeyn inay dhan iilatay,” ayuu mar kale yiri xildhibaan Dalxa.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa ku baaqay in Qaabka awood-qaybsiga Maamulkan uusan noqon mid sad-bursi ah, isla markaana dhammaan Beelaha Wada-deggen Gobolladaas wax walbo loogu qaybiyo si cadaalad ah.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax ayaa intii lagu jiray toddobaadkan Gudahiisa sheegay in shirka lagu dhisayo Maamulkaan uu ka furmi doono Magaalada Baladweyne.

Ugu dambeyn, Hadalka Xildhibaankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli lagu wado in Sabtida soo Aaddan lagu kala saxiixdo Madaxtooyada Soomaaliya heshiis lagu dhisayo maamul-goboleedka Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Si kasta oo ay tahay, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Wadday Sannadihii lasoo dhaafay dhismaha maamullada Gobollada dalka si ay u hirgeliso nidaamka federaalka ah oo la doonayo in dalka lagu maamulo wixiii ka dambeeya2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya