4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2015
Maxaa iska bedelay Somalia kaddib Booqashadii Koowaad ee uu Erdogan ku yimid? (SAWIRRO)


Talaado, Ogoosto 04, 2015 (HOL) — Booqashadii ugu horreysay ee Somalia uu ku yimid Reccep Tayyip Erdogan oo ku beegnayd 19-August, 2011-kii, ayaa waxay horseedday is-bedel Muuqda iyo Horumar la taaban karo oo ay Somalia lugaha la gashay, waxay noqotay maalin ku weyn Taariikhda Somalia, waqti badan ayay Qaadanaysaa in Halkii ay Somalia maraysay xiligaa Qormo keliya looga Sheekeeyo.

Guud Somalia, Gaar ahaan Hoballada Koonfureed waxaa ka taagnaa Colaado iyo Abaaro labaatan jirsaday, kuwaasoo sababay Gaajo iyo Cudurro naafeeyay dadka Soomaaliyeed. Rajada Soomaaliya oo kusoo noqota Dal ka mid ah kuwa Caalamka ayaa ahayd mid aan muuqan; Waxaana dalka ku dhuftay abaartii ugu xumayd ee soo marta muddo 60-sano ka badan, taasoo sababtay inay naftooda ku waayaan kumanaan dad ah.

Dagaalladii Dhiigga badani ku Daadanayay ayaa sii Laba-jibbaaray Qiimaha Maciishadda Daruuriga ah, taasoo Cirka isku shareertay, iyadoo Beeralaydii iyo Xoolo-dhaqatadiina ay noqdeen kuwo ku barakacay gudihiisa waddanka iyo dibadiisa.

Sidoo kale, Tahriibka dhallinyarada kusii hoobanayay Badda ayaa ahaa mid gaaray heerkii ugu sarreeyay, Nabad-galyada, Caafimaadka, Wax-barashada iyo Dhammaan Adeegyada Asaasiga ah ee dalka ayaa ahaa kuwo laga Quustay. Xaalad deg-deg ah ayuu dalku galay, waxaana soo baxay dalab si is-daba-joog ah uga soo yeerayay Xukuumaddii xiligaas jirtay ee KMG-ka ahayd ahayd, taas oo Beesha Caalamka ka codsatay kaalmo bini’aadannimo oo deg-deg ah, laakiinse Waxaa Nasiib-darro wayn ahayd in hay’adihii Gargaarka iyo Dalalka deeqaha-bixiya ay dhegaha ka fureysteen Qaylo-dhaantii Dowladdii Soomaaliya. Jawaab la’aantii lala kulmay ayaa Shacabka Somaaliyeed ku dhalisay Quus iyo in baryada Alle ay si aad ah u xoojiyaan.

Maalin Arbaco ah, Cadceedduna ay aad u Kululeyd, Cirkuna uusan lahayn Daruuro ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdishu Abdulle cagaha soo dhigatay markii ugu horreysay muddo 22-sano duulimaad Caalami ah, waa Turkish Airlines, waxaa kasoo dagaya RW Turkiga ee xiligaa, Reccep Erdogan oo ay wehliyaan Qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirrada, Xubno Baarlamaanka Turkiga ka tirsan, Qoyskiisa iyo dad kale oo miisan ku leh Waddanka Turkiga. Ammaanka Muqdishu oo ahaa mid aad u liitay Xilligaas oo maalmo yar ka hor ay ay Kooxda Al-shabaab laga saaray Muqdisho. waxaa jirtay cabsi xooggan, Runtii Muqdisho maalintaas ma ahayn meel ay booqan kareen Wafdi Heerkaas ah oo Caalamka ka socda. Waxaana wafdigaas ay tiradoodu ka badnayd 100 ruux, hase yeeshee waxay ahaayeen dad lagu tilmaamay inay go’aansadeen inay naftooda Qaaliga ah u huraan Walaalahooda Soomaaliyeed oo dhibaateysnaa si ay dhibaatadii haysatay uga samata-bixiyaan.

Waxaa markiiba billowday gar-gaar bini’aadamnimo kii ugu badnaa ee soo gaara Somalia, waxaa si hagar la’aan ah loo Taakuleeyay Dadkii Tabaaleysnaa ee ay ka soo Barakiciyeen Deegaannadooda Abaarihii Dalka ku dhuftay iyo Weliba Colaaddii socotay, Dhaqaatiir iyo Khuuburo Caafimaad ayaa si Xowli ah u soo galay Somalia si ay u badbaadiyaan Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo taasi ay xoojisay xiriirka u dhexeeya Somalia iyo Turkiga.

Dhanka kale, Waxaa la Furay Safaaraddii Turkigu uu ku lahaa Soomaaliya, taasoo noqotay safaaraddii ugu horreysay ee laga furuy meel ka baxsan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Waxaa sii laba kacleeyay Waxqabadkii Walaalaha Turkiga ee dhanka Bani’aadamnimada iyo Horumarinta Dalka.

Soomaalidu dhaqan ahaan waa dad abaalka guda, taasoo keentay in Shacabka iyo Dowlada Turkiga ay ku Tilmaamaan Walaalo gaar ah, kuwaasoo loo hayo Tix-gelin ka duwan midda Dalalka kale ee Caalamka loo hayo. Wax la yaabo ma ahan in maanta dadka Soomaaliyeed aysan Turkida u aqoonin Ajnabi ama inaad Aragto caruur Somali ah oo loogu magac-daray Erdogan, waxayna tani ka Turjumaysaa heestii ahayd “Abaal ninkii galaaba… in loo gudaa gar-weeye.”

FG: La soco Toddobaadka soo socda Qayb kale oo Warbixintan ku saabsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya