4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 4 , 2015
AMISOM: Waan ka Xunahay Falalkii Ciidamadeenu ka geysteen degmada Marko Waana Baraynaa


Talaado, Ogoosto 04, 2015 (HOL) — Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM] ayaa soo saartay maanta War-saxaafadeed ay shaacisay inay ka xun tahay in Ciidamadeeda ku sugan Degmada Marko ay Toogasho ku dilaan Dad Shacab ah oo aan Waxba Galabsan; iyadoo sheegtay inay qaadanayaan mas’uuliyadda dilka loo geystay dadkaas Shacabka ah.

AMISOM ayaa War-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in labadii Toddobaad ee lasoo dhaafay ay xoojiyeen Howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Koonfurta Somalia. Intii ay Howlgalladu Socdeen ayay Al-shabaab weerarro la beegsadeen ciidamadeenna ku sugan degmada Marko. Ciidanka oo is-difaacaya ayuu dilalkan dhaceen. Sidaa awgeed AMISOM way ka xun tahay Dadka Shacabka ah ee Natooda ku waayay dhacdadaas, Waana mid aanu dusha u ridanayno dhibaatada rayidka  soo gaartay.

“Innagoo taas ka duulayna ayaan kulammo la yeelannay Waxgaradka Marko, waxaana kala hadalnay sidii amniga loo adkeyn lahaa, xiriir wanaagsana aan u yeelan lahayn. Waxaana jirtay in Waxgaradka Qaarkood ay dalbadeen in laga saaro Ciidamada AMISOM Degmada Marko, lana geeyo Waddada isku xirta Muqdisho iyo Marko oo Ammaan-darro ay ka jirto. Innagoo codsigaas is taxadar leh u tixgelinnay. Waxayse diideen inay Damaanad-qaadaan inaysan falal Ammaan-darro ka dhicin inta u dhexeysa Marko iyo Muqdisho,” ayay ku tiri AMISOM Wars-saxaafadeedkeeda.

Sidoo kale, waxaa jiray bay tiri AMISOM xubno ka tirsan Waxgaradka Bulshada ee ay la kulmeen ay ugu baaqeen eedeymaha ku aaddan dilalka ay Ciidamada AMISOM u geysteen Dadka Marko. Iyadoo xusay in xubnahooda waxgaradka la kulmay ay Hoosta ka Xariiqeen inay xushmeyn doonaan Sharciyad Xuquuqda Aadanaha inta ay Howl-gallada ku jiraan.

“Waxaan u sheegnay Waxgaradka inaan u yeerayno saraakiisha Hoggaaminaya ciidamada AMISOM ee Marko ku sugan si aan su'aalo uga weydiinno eedeymaha ciidanka AMISOM loosoo jeediyay ee soo laa-laabatay. Iyadoo baarista kaddib ay amaro ayaa soo bixi doona,” ayay mar kale ku tiri AMISOM War-saxaafadeedkeeda.

Dhanka kale, Ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ayaa xusay inay ka go’an t ahay inay Shacabka iyo Dowladda Somalia ka caawiyaan sidii dhibka ay Geysanayso Al-shabaab ay uga hor-tegi lahaayeen. Waxayna sheegeen inay ka hor-tagayaan in rayidka aysan dhibaato soo gaarin inta aan ku jirno howlgalada aan kula jirno Al-shabaab.

Ugu dambeyn, AMSIOM ayaa xustay inay si dhow ugala shaqeynayso Dowladda Somalia iyo Maamulka KMG-ka ah ee Koonfurta Soomaaliya sidii lagu xallin lahaa dhibaatadii ka dhacday Degmada Marko ee Gobolka Shabeellada  Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya